Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee todobaadki la soo dhaafay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 1, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee todobaadki la soo dhaafay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Mogadishu, 01 October 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dowladda oo Daahfurtay Mashruuca Maaliyada Ciidanka Qaranka, Tababar ka faa’iideysashada Cadceeda oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey, Ciidamada XDS oo 8 Al-Shabaab ah ku dilay deegaanka Gaanjo-roon, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Talyaaniga, Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay dhismaha Wasaarada Waxbarashada ee Puntland, Ciidanka XDS oo maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku dileen Iidaale, Ciidanka oo Howlgalo ka sameeyey Suuqa Bakaaraha, Shirka Maamul u sameynta Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe oo wajigiisii labaad u gudbay iyo Tababarka ururinta macluumaadka Kalluumeysiga oo Muqdisho lagu qabtay.

Dowladda oo Daahfurtay Mashruuca Maaliyada Ciidanka Qaranka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa 29 September 2016 daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman. Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanka, iyo Saraakiil AMISOM. Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti ayaa sheegay in dowladu ay ku guulaysatay in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashrucaana kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman. Wasiirka Gaashaandgiga Cabdulqadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in Mashruucan uu ciidanka ka caawinayo in meesha laga saaro lacagtii cadaanka ahayd ee loo qaadi jiray ciidamada furimaha ku jira, wuxuuna bilow fiican u yahay sidii ciidanka qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman.

Tababar ka faa’iideysashada Cadceeda oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey

Xiritaanka tababar ku saabsan sida looga faaiideysan karo qoraxda, islamarkaana loo hirgaliyo nalalka ku shaqeeya cadceeda, oo socday mudo labo maalin ah, ayaa lagu soo gabogabeeyey Muqdisho 27kii September 2016. Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Eng. Saalax Sheakh Cismaan, xubno matalayey maamulada dalka kajira iyo masuuliyiin kale oo katirsan ayaa ka soo qeybgalay. Dhinacyada ka qeyb galay tababarka oo kala matalayey maamul goboleedyada dalka ayaa labada maalin ee uu socday baranayey muhiimada habka loo hirgliyo nalalka ku shaqeeya cadceeda. Sidaasi oo kalena waxaa ay madasha kusoo bandhigeen baahiyaha deegaanadooda ay u qabaan arintaasi. iyadoo gaba gabada tababarka laisku raacay qodobo dhor ah oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen.

Ciidamada XDS oo 8 Al-Shabaab ah ku dilay deegaanka Gaanjo-roon

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cali Baashi Maxamed ayaa 27kii September 2016 shaaca ka qaaday in cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose. Janaraal Cali Baashi Maxamed ayaa sheegay in ciidamda ay howlgalladaasi ku qaarijiyeen sideed ka tirsan nabad-diidka Al-shabaab, islamarkaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaanba waday howlgallo lagu baacsanaayo haraadiga kooxda Al-shabaab,ayagoona Howlgalo ay horay u fuliyeen ku Dilay Horjoogayaal ka Tirsan koxdaasi.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26kii September 2016 waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Danjire Carlo Campalina oo baddelaya safiirkii hore ee Talyaaniga. Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kulan wada qaatay, waxaana kala qeyb-galay wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, mudane Axmed Cali Kadiye, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Danjire Carlo Campalina ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiisa Soomaaliya, mahad ballaaranna uu u hayo, madaxweynaha dowladdiisa iyo shacabkiisa, dhowaanna uu bilaabi doono howlgalkiisa ku aaddan horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay dhismaha Wasaarada Waxbarashada ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 26kii September 2016 dhagax-dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda waxbarashada ee Puntland. Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda dhagax dhigga hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Wax-barashada ee Puntland dedaalka ay ugu jirto dar-dar gelinta adeegyada ay bulshada siiso iyo kor u qaadidda tayada aqoonta. Madaxweyne Cabdiweli ayaa waxa uu tilmaamay in dhismahaan cusub uu waxbadan ka kaabi doono Wasaaradda iyo habsami u socodka shaqada baaxadda leh ee ay wasaaraddu bulshada u hayso.

Ciidanka XDS oo maleeshiyaad Al-Shabaab ah ku dileen Iidaale

General Ibrahim Yarow, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60-aad ayaa sheegay in 25kii September 2016 dagaal ay ku qaadeen fariisin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kuleeyihiin deegaanka Iidaale ee gobolka Baay ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Kudhawaad 10-katirsan maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, iyadoo ay jiraan tiro intaasi ka badan oo lagu dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka K/galbeed. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa uu socday muddo saacaddo ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka oo Howlgalo ka sameeyey Suuqa Bakaaraha

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdikaamil Macallin Shukri ayaa sheegay in dhawaan la soo gaba gabeeyay howlgal ballaarn oo 27kii September 2016 waabarigii ciidamada nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ka sameeyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Mudane Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in howlgalka ciidamada lagu soo qabtay saddax qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsanyihiin nabad diidka Al-shabaab.

Shirka Maamul u sameynta Dowlad Goboleedka Hiiraan & Sh/Dhexe oo wajigiisii labaad u gudbay

Shir ay ka qeyb-galeen ergooyin ku dhow 300 laguna ansixinaayo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa mar kale ka furmay magaalada Jowhar, kadib markii la soo gabagabeeyay wajigii hore ee shirkaasi. Furitaanka wajiga labaad, waxaa xafladdii lagu maamuusaayey ka qeybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Arimaha Gudaha iyo federaalka Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, masuuliyiin ka socotay maamulada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol. Ujeedada shirkaan qeybtiisa labaad ayaa ah ansixinta dastuurka, iyadoo ka dib loo gudbi doono wajiga sedexaad ee soo xulista xildhibaanada Barlamaanka, ka dibna doorashada Gudoonka Barlamaanka iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Tababarka ururinta macluumaadka Kalluumeysiga oo Muqdisho lagu qabtay

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Klalluumeysiga ee dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa 28kii September 2016 magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah ee ururinta macluumaadka la xiriira Kalluumeysiga iyo sida ugu haboon ee loo hormarin karo xagga tayeynta qalabka. Tababarkan oo muddo laba cisho ah ka socday xarunta Wasaaradda Kaluumeysiga ee magaalada Muqdisho, waxaa mudadii uu socday ka qeybgalay shaqaalaha Wasaaradda iyo xubno kale oo ka socday Ururada Iskashatooyinka Kalluumeysiga, iyadoo halkaasi looga hadlay qaabka ugu haboon ee loo diiwaangelin karo macluumaadka ku saabsan nuucyada kalluun ee la jilaabto maalin kasta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay tayeynta qalabka lagu xafido qeybaha kala duwan ee kalluunka.

DHAMAAD
unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Xildhibaan Ubax Tahliil”Waa in dalka dibadiisa loo qaado ciidankii ku waxyeeloobay duqeyntii gobolka Mudug”

Next Post

Madaxweyne Salva Kiir Oo Waraaqihii Safiirnimo Ka Gudoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee South Sudan “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Salva Kiir Oo Waraaqihii Safiirnimo Ka Gudoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee South Sudan “SAWIRRO”

Madaxweyne Salva Kiir Oo Waraaqihii Safiirnimo Ka Gudoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee South Sudan “SAWIRRO”

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In