Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Mogadishu, 02 September 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Dowladda Oo La Wareegtay Qalab Dhameystiran Oo Lagu Maamuli Doono Hawada Soomaaliya

28/08/2017 ayaa Wasaaradda Gaaddiidka Cirka iyo Dhulka la wareegtay qalab lagu maamulayo Hawada Soomaaliya. Qalabkan ayaa wasaaradda ku wareejisay Hay’adda ECAO. Waa qalab dhamaystiran oo lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo haatan laga maamulo Soomaaliya dibadeeda. Dhowaan ayaa waxaa la filayaa in ay dowladda la soo wareegto Maamulka Hawada Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey goobtii loogu shaqeyn lahaa qalabkaasi oo maanta la wareegtay wasaaradda. Shaqaalihii ka shaqeynayeyna oo haatan ka shaqeeya Kenya ay waddanka ka howlgeli doonaan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Dalka

25/08/2017 Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo iclaamiyey Barnaamijka Isla xisaabtanka su’aalana uga jawaabay suxufiyiinta

30/08/2017 – ayaa Kulankan waxay Wariyaasha su’aalo Ku weydiinayeen R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golahiisa Wasiirada. R/wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa meesha Ku soo bandhigay waxii u qobsoomay tan iyo markii la magacaabay, iyadoo kulankan loogu magacdaray Maqal Dadkaaga.

Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta oo ku Shaqo Bilowday Dhismana Wasaaradu Ay Leedahay.

29/08/2017 – Madaxda wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta ayaa si buuxda ugu wareegay in ay ku shaqeeyaan xarunta wasaaradda. Waana markii ugu horreysay ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfuray Hirgelinta Hannaanka Maareynta Maaliyada

29/08/2017 Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Shirkaan oo ku saabsanaa hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ahaa Xisaabiyayaasha ka socda Wasaaradaha qaarkood ee XFS. Maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marsiin looga fogaaado.

Wasaarada Dastuurka oo soo bandhigtay Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay

30/08/2017 – Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, sidoo kale wasiirka ayaa si toos ah loo weydiinayey su’aalo ku saabsan howlaha ay waddo wasaaradda uu wasiirka ka yahay. https://www.youtube.com/watch?v=nH7WHiOCDH0

Dowladda Federaalka oo Qabatay Shirweyne Looga Hadlayey Arrimaha Qaxootiga.

28/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo baxay warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dowladda oo wada Qorshe dhammaan kharashaadka Dowlada in lagu bixiyo Akaano oo aan lacag danbe gacanta laga isticmaalin

26/08/2017 ayaa Shirkaan oo ay ka qaybgaleen dhamaan agaasimayaasha maaliyadda ee wasaaradaha XFS iyo hoggaanada maaliyadeed ee hey’adaha amiga dalka waxaana looga hadlayay sidii loo hagaajin lahaa hanaanka maaliyadda dalka, isla markaana looga dhigi la haa mid ka madax banaan Musuq maasuq iyo in la joojiyo lacagaha mushaaraad ka ah ee gacanta lagu qaado. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Ducaale, ayaa balan qaaday in dhamaan shaqaalaha dowladda ciidamada Nuucyadooda kala duwan dhawaan ay lacagaha mushaarka ku qaadan doonaan Account balse aysan dhici doonin in qof mas’uul ah uu lacag kaash ah boorso ku soo qaado.

Xarunta Maamulka Internet-Ka Hay’Adaha Dowladda Oo La Hirgeliyay

26/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya. Shaqaalaha ayaa waxa laga dhegeystay warbixino, iyagoo xaqiijiyey in internet-ka ay xarunta bixineyso uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Previous Post

Qoysas danyar ah oo loo qeybiyay hilib Udxiyo ah “SAWIRRO”

Next Post

Puntland iyo Galmudug ka wada hadlaya xalka Gaalkacyo-Sawirro

Next Post
Puntland iyo Galmudug ka wada hadlaya xalka Gaalkacyo-Sawirro

Puntland iyo Galmudug ka wada hadlaya xalka Gaalkacyo-Sawirro

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In