Mogadishu, 24 January 2015 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; La dagaalanka Musuqmaasuqa, Saxiixa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Caruurta, Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya, Horumarka Dib u eegista Dastuurka Dalka, Horumarka Nidaamka Federaalka, Horumarka Isku dhafka Ciidanka, Masaajido Dayactir lagu sameeyey iyo Bilicda Muqdisho oo la hagaajinayo. La Dagaalanka Musuqmaasuqa Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey La Dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday qorsheyaasha lagula dagaalamayo musuqmaasuqa. 21kii Janaayo Xafiiska Xeer Illaaliyaha Qaranka ayaa baaris dheer ka dib ay soo xireen Guddoomiyaha degmada Bula burde iyo Duqa Degmadaasi, tan oo ka ka dambeysay kaddib markii lagu helay lunsasho raashin gar-gaar oo loogu talo galay dadka ku go’doonsanaa Bula Burde. Ciidanka Amniga aya baaris dheer iyo dabogal ku sameeyey raashin mucaawino ah oo la gaarsiiyey degmada Bule Burde. Sidoo kale waxaa la xiray ganacsatadii iibsatay raashinkaas. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Muqdisho ugu qabteen xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo ku xigeenkisa ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in raashin dadaal weyn loo galay sidii loo gaarsiin lahaa shacabkii ku go’doonsanaa Bule Burde in shaqsiyaad ay lunsadaan oo musuqmaasuqaan. Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in cid allaale iyo cidii lagu helo musuqmaasuq ay hor tagi doonaan maxkamada si loo marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin.“ Saxiixa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Caruurta Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Saxiixa Heshiiska Caalamiga ah ee Xaquuqda Caruurta ayaa yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si rasmi ah 20kii Janaayo u saxiixay heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Caruurta oo uu Baarlamaanka u codeeyey 13kii December 2014. Xafladan saxiixa oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Xamar Jajab ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Agaasimaha Hay’ada UNICEF ee Soomaaliya. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay marxaladihii uu soo maray heshiiskan, sheegtayna in xaquuqda caruurta ay tahay mid muhiim u ah bulshada. Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qalinka ku doogay heshiiskan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskan waxaana uu balan qaaday in carruurta ay heli doonaan xuquuq siman.” Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xuska Maalinta Warfaafinta ayaa yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay Munaasabada lagu weyneynayay 42-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo. Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo qiimo ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalinkii ugu horeysay ee uu soo baxo Wargeyska Xidigta Oktoobar oo Afka hooyo ku qoran oo aheyd 21kii Janaayo 1973, Wasaaradduna ay door lixaad leh ka qaadan doonto dib u soo nooleynta Wargeysyadii hore. Wasiirka Hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa waxaa uu Madaxweynaha jamhuuriyada ka codsaday in xarumaha Hidaha iyo dhaqanka Jamhuuriyadda dib u dhis lagu sameeyo si Afka Soomaaliya kobcintiisa ay qayb uga qaataan. Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay uguna baaqay Bulshada in ay ku adkaadaan in Afka Soomaaliga heer la gaarsiiyo, isagoo xusay maanta in ay tahay maalin u baahan in bulshada la fahamsiiyo qiimaha gaarka ah ee ay ummadda u leedahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo kale ay shacabka ugu fadhiso qiimo aad u weyn, dowladduna ay dadaal u galeyso sidii shacabka loo bari lahaa muhiimadda luqada Soomaaliga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aysan xafiisyada dowladda ka soo bixi Karin Warqad ku qoran afka qalaad, si loo horumariyo afka hooyo in waxkasta lagu qoro Af-Soomaali.” Horumarka Dastuur u Sameynta Dalka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Garsoorka dalka ayaa yiri “Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa 20kii Janaayo 2015 xarunta Wasaaradda ku soo xiray tababar socday saddex maalmood oo ku saabsan Wacyi-gelinta iyo Baahinta Dastuurka. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu horeyn bogaadiyay waaxda qorsheynta sida habsamida leh ee ay u soo diyaarisay tababarkan iyo maadooyinka, sidoo kale dadkii wax ka dhigayay iyo kuwii ka faa’ideystay, iyadoo Wasiirku si gaar ah u xusay dhalinyaradii dhowaan ku soo biirtay Wasaaradda oo tababarkan fursad u ahaa, si ay u fahmaan ugana qeyb qaataan horumarinta dastuurka. Wasaarada Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si dhow ula shaqaynaysa Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo akhrinta Dastuurka iyo Guddiga la socodka arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka, si loo dar-dargeliyo dib u eegista Dastuurka. Tababarkan ayaa ka mid ahaa tababarada qorsheysan ee ay Wasaaraddu u diyaarisay tayeynta shaqaalaha Wasaaradda iyo diyaarinta qaabka ugu haboon ee looga qayb galin karo bulshada qaybaheeda kala duwan horumarinta arrimaha Dastuurka.” Horumarka Nidaamka Federaalka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka nidaamka Federaalka ayaa yiri “Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa 20kii Janaayo daah furay shirka gogol xaarka u ah dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, uguna baaqay Madax dhaqameedka deegaanada Jubbaland inay soo xulaan shaqsiyaad matali kara shacabka deegaanka si loo dhameystiro barnaamijka dhismaha maamulka Jubbaland iyo dhameystirka heshiiska Addis Ababa. Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ka qeybgalay daahfurka barnaamijka isla markaasna sheegey in Dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso isla markaasna ay dhiiri gelineyso dar-dargelinta dhameystirka nidaamka Federaalka ee Jubbaland. Xildhibaanada Jubbaland ayaa laga soo wada xuli doonaa dhamaan beelaha iyo deegaamada sadexda gobal ee Jubbaland. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha Caalamka kuwaas oo ay ka mid yihiin Safiirada IGAD, Ingiriiska, Midowga Yurub, Kuxigeennada Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Qaramada Midoobay, ku xigeenka Safiirka Ethiopia iyo mas’uuliyiin kale.” Horumarka Iskudhafka Ciidanka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka isku dhafka ciidanka ayaa yiri: “Dowladda Federaalka oo in muddo ahba waday qorshaha isku dhafka ciidanka si loo helo ciidan qaran oo hannan kara amniga dalka ayaa 23kii Janaayo waxaa magaalada Guricel ee Gobolka Galgaduud loogu furay tababar 350 oo ka tirsan ciidanka deegaanka oo ay ka mid yihiin Ahlu Sunna Wal Jameeca si loogu dhafo ciidanka Qaranka oo ay u noqdaan ciidan tababaran oo hannan kara kalsoonida shacabka. Tababarkan ayaa loogu furey Dugsiga tababarada ciidanka ee Har-Qaboobe, waxaana munaasabadda furitaanka tababarka ka qeybgalay saraakiil sare sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Jeneraal Maxamed Goobaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidanku ay ku dadaalaan tababarka ay macalimiinta siinayaan si ay u noqdaan ciidan tababaran oo gudan kara waajibaadka loo igmado.” Masaajido Dayactir lagu sameeyey Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka laga sameeyey dayactirka Masaajido ayaa yiri “Masaajidka isbaheysiga ayaa dhowaan la soo gabogabeynayaa dayactirka ku socda oo ay Dowladdu dhowaan dib u furi doonto. Dhanka kale waxey Wasaarada Diinta & Awkhaafta ay 18kii Janaayo furtay masaajid dib u dhis lagu sameeyay oo ka kooban labo dabaq oo ku yaalla aga-gaarka isgoyska Dabka, gaar ahaan dhanka degmada Howlwadaag. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dib u dhiska Masjidka. Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dib u dhiska Masjika, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan dhisidda Masaajidda dalka. Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso dib u dhiska lagu sameynayo Masaajidda, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto dhismaha Masaajidda.” Bilicda Muqdisho oo la hagaajinayo Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey bilicda Muqdisho ayaa yiri: “Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 18kii Janaayo bur-buriyey goobo ganacsi sharci daro ah oo waddada dadku maro xireysey. Maamulka Gobolka ayaa in mudo ah waday soo nooleynta bilicda caasimada Muqdisho. Ciidamada Ilaada Deegaanka Xamar ayaa howlgalladan lagu bur burinayo goobaha sharci darrada ah ka sameeyay inta u dhexeysa Isgooysyada Jubba iyo Dabka ee magaalada Muqdisho. Ujeeddada howlkan ayaa ahaa dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho, maadaama ay caasimadda u diyaar garoobeyso marti gelinta shirar heerar caalami ah.” |
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qeybaha Bulshada
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah...