Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Soomaaliya Todobaadkii lasoo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 8, 2018
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Soomaaliya Todobaadkii lasoo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA

XAFIISKA WASIIRKA WARFAAFINTA

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Waxqabadka Dowladda

Mogadishu-08/06/2018Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

ayaa ka warbixisayWaxqabadka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 01-07 Juun 2018.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Afur u Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Baarlamaanadii 8aad Iyo 9aad Balanqaadayna Bixinta Xuquuqda Golaha Ay Ku Leeyihiin.

01/06/2018 –Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahad celinayay xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabteen  iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo talooyinkooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo golaha shacabka.Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

 Duqa Muqdisho Oo Afur u Sameeyey Agoonta Ku Nool Degmada Boondheere, Ballanqaadayna Inuu La Soconayo Xaaladahooda Nololeed.

 01/06/2018 –Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan.Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan.Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed.

Wasiirka Cusub Ee Warfaafinta Oo Xilkiisa Loo Dhaariyey

02/06/2018 –Munsaabadda dhaarinta wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta ayaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, middaasi oo ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, waxana sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), qaar ka mid ah guddiyada joogtada iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa balan qaaday inuu si sax ah uga soo bixi doono xilka loo dhaariyay, kana shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhaw uu ula yeelan lahaa guddiyada Golaha Shacabka ee wasaaradiisa wada shaqeynta kala dhaxeyso.

 

R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Iyo Duqa Muqdisho Oo Si Wadjir Ah u Daah Furay Wajiga Labaad Ee Mashruuca Nadaafada Casriga Ah Ee G/Banaadir.

 02/06/2018 – R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee Mashruuca Nadaafadda Gobolka Banaadir oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Nadaafadda ee lagu magacaabo ECCO.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Nadaafadda ee ECCO mudadii labada sanno ahayd ee ay shaqeynaysay wax badan ay ka qabatay bilicda Caasimadda, iyadoo shaqooyin u abuurtay dadka Soomaaliyeed. Waxuna xusay maadaama ay Muqdisho tahay muraayaddii dalka loo wada istaago hagaajinta bilicdeeda oo nadaafaddu kow ka tahay.

Wasiirka Warfaafinta Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay.

 02/06/2018 –Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, ka dib markii  loo dhaariyay xilkaasi.Munaasabadda xil wareejinta oo  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirka  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada wasiirka cusub ee warfaafnta  ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantay  xilli loo baahnaa.

 Ra’Iisal Wasaaraha Dalka Oo Kullan Afur Iyo Dhiirigelin Ah La Qaatay Dhallinyarro Soomaaliyeed Oo Dowladda Ka Soo Qaaday Xabsiyadda Liibiya.

03/06/2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan Afur ah, dhiirgelin  iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaataysanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifiyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Ra’Iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Daahfuray Tartan Quraan Akhris Ah.

03/06/2018 Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Raiisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanad kasta la qabto ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo  in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeeda ah si looga gudbo kala qoqobnaanta. Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada,hadana banaystay dhiigga Muslimiinta, kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragti midaysan Quraanka Kariimka ahna uu daawo buuxda u yahay.Munaasabadda daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta  ayna maalgelisay hay’adda Qadar Charity, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi,kuwa dowlad goboleedyada,Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Oo Xilka Si Rasmi Ah Ula Wareegay.

03/06/2018 –Guddoomiyaha cusub ee maxkamdda sare ee dalka ayaa si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka.Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Baydhabo Ka Furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

04/06/2018 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka furay Magaalada Baydhabo Shirka Golaha Amniga Qaranka. Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/l/aahi Farmaajo ayaa waxaa qayb-galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Md Xasan Cali Khayre , Taliyaasha Ciidamada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka iyo Guddoomiyha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho. Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayay Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada. Shirkii u dambeeyay Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Shirkan ayaa gabagabadiisa laga soo saaray war murtiyeed .

Guddiga Maaliyada Ee Golaha Shacabka Oo La Kulmay Madaxda Sare Ee Bangiga Dhexe Ee Dalka Natiija Wanaagsanna Ka Soo Baxay.

04/06/2018 –Masuuliyiinta Bangiga Dhexe ayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan. Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag  Shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh  u qabaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay  kuwaas oo mararka qaarkood  dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha. Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Dawladda Soomaaliya Ayaa Hal Milyan Oo Doolar Ugu Deegday Deegaannada Fatahaadaha Iyo Duufaantu Saameeyeen Ee Goballada Waqooyi.

 04/06/2018 –Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee golalada Waqooyi. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Xuseen Cabdi cilmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

Wasiirka Cusub Ee Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Oo Xilkiisa La Wareegay.

05/06/2018 –Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa  la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale. Siiyaha Wasiirkii Gargaarka ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Cilmi Cumar Caynsane ayaa sheegay in mudadii ay jirtay Wasaaradda ay ku talaabsatay hormaro badan, waxyaabo badan ay u qabsoomeen, wuxuuna xaqiijiyay in Wasaaradda hada ay himilooyin wanaagsan ay u muuqdan. Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed isbedelo guul ah ay la imaan doonaan.

Wasaaradda Warfaafinta Xfs Oo Dakhligii Ay Qaban Jirtay Ku Wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

05/06/2018 Si loo hormariyo hanaanka Dowlidnimada loona mideeyo maamulka dakhliga dhamaan Hay’addaha dawliga ah, ayaa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federaalka ay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyada  Dakhliga soo galo maadaama ay u xilsaaran tahay in ay halmeel isugu geyso. ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada iyo masuuliyin ka socotay labada wasaaradood. Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka dakhliga taasoo ula jeedadu tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed.

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Amniga Qaranka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Barnaamijka Dariseynta Iyo Dardargelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

 06/06/2018 Shirka Golaha Amniga Qaran oo afartii maalin ee u danbeeyey ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo gabagabeeyey, waxana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu wajahayo amniga guud ee dalka, iyadoo lagu boggaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir howlgallada lagu sugayo amniga iyo Barnaamijka Dariseynta oo si habsami leh uga socda Caasimadda. Sida war-murtiyeedka lagu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir guullo la taaban karo kasoo hooyay afartii bilood ee la soo dhaafay isku xirka Shacabka, Maamulka iyo Hay’adaha Amniga taasi oo ka dhalatay in si wadajir ah loo sugo amniga loogana hortago falal argagixiso, kadib markii ay meesha ka baxeen habacsanaantii ka jirtay wadashaqeyn la’aanta.

Ra”Iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Soo Xiray Tartankii Qaran Ee Qur’Aan Akriska.

06/06/2018- Munaasabaddan oo lagu suu xirayay tartanka Heer Qaran ee Qur’aan Akhriska una dhexeeyay arday ka kala timid Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiiradda Cadaaladda,Diinta iyo Arrimaha Owqaafta,culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qatar oo barnaamijkan taaba gelinaysay. Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madax Hay’adda Qatar Charity oo maalgelinaysay tartankan qur’aan aqriska ah ayaa balanqaaday in ay sii joogtayn doonaan dhiirogelinta barashada iyo kor u qaadista qur’aanka Kariimka.

Wasiirka Warfaafinta Cusub Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Shaqaalaha Wasaaradda.

 06/06/2018- Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Mudane Daahir Maxamuud Geelle  iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq ayaa Maanta kulan la qaatay Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska. Wasiirka cusub ayaa shaqaalaha dardaarmay in ay dhowraan ammaannada ay Qaranka u hayaan, isla markaana  hoggaanka cusub ee wasaaradda uu la imaan doono isla xisaabtan ku saleysan caddaalad iyo hufnaan. Ugu dambeyn wasiirka oo ay su’aallo weydiiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ballan-qaaday in ay u istaagi doonaan sidii loo horumarinta lahaa Warbaahinta, kaabeyaasha wasaaradda farriinta shaqaalahana uu gaarsiin doonnaa madaxda sare ee Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Oo Afur Wadareed La Qaatay Shacabka Garasbaaleey Kuna Bogaadiyey Horumarka Ay Ku Tallaabsadeen.

06/06/2018- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka deegaanka Garasbaaleey soo dhoweynta ay u sameeyeen, waxuna ku  boggaadiyey horrumarada kala duwan ee deegaanku sameeyey muddooyinkii la soo dhaafay. Isagoo la hadlayay shacabka deegaanka ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in maamulkiisu uu u taagan yahay horumarinta iyo isku-xirka bulshada Caasimadda, isla markaana dadka Caasimadda loogu geynayo deegaanadooda adeegyada bulshada ee maamulku bixiyo.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

DHAMMAAD

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday xarunta isgaarsiinta Jabuuti iyo Dekadda Dooraale.”Sawirro”

Next Post

Mogadishu Mayor terminates Ground Leveling and Quarry Mining Activities in Kawan Bari

Next Post
Duqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Kaawo qodista ee Kawaan Bari

Mogadishu Mayor terminates Ground Leveling and Quarry Mining Activities in Kawan Bari

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In