Webiga Shabeelle ayaa lagu soo warramaaya in uu fatahaad ka sameeyay deegaanka Buur Bishaar oo 8km dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo fatahaadda ay waxyeelo gaarsiisay dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo kala duwan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga uu fatahay, iyadoo roobab ay ka da’ayaan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaadda ay saameyn ku yeelato deegaanno kale oo hoostaga demada Jowhar.
Dadweynaha ku nool deegaanada ku dhow tuulada Buur Bishaar ayaa qorsheynayo sidii biyo xireen loogu sameyn lahaa meelaha uu webiga ka sameeyay fatahaadda.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa ku soo waramaya in tuulooyinka uu fatahaadda ka sameeyay webiga ay isaga barakaceen dadkii deganaa.