Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa la soo derista cabasi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxduraan saameynta ka dhalankarta hadii uu fatoho Webiga SHabeelle.
Heerka biyaha Webiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.
Wariyayah Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Webiga, si loga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.
Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu degan hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.