Wararka ka imaanaya Dalka Afgansitaan ayaa sheegaya in Rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay xero milateriga lagu tababaro oo ku taal magaalada caasimadda u ah waddanka Afghanistan ee Kabul,sida ay baahinayaan warbaahinta Dalkaasi.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha weerarkaasi dhaliyay,balse wararku waxay sheegayaan in aroornimadii saaka uu halkaasi ka dhacay weerar xoogan,gaar ahaan Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim.
Weerrarkan ayaa imanaya maalma un kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaari nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Dalkaasi o ku aadan weerarkaasi dhacay,balse kooxaha arggagixisada Taalibaan ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkan iyo weeraro dhowr ah oo ay halkaasi ku qaadeen.