Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guryaha ku yaal magaalada Timbuktu ay gariireen xilli 10 qarax oo waa weyn laga maqlay saldhig shan kiilo mitir koonfurta ka xiga magaalada.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale.

Warar halkaasi soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaarida lagu fuliyay weerrar lagu soo xardhay midabka gawaarida gaashaaman ee dalka Mali halka midka kalana loo soo ekaysiiyay gawaarida Qaramada Midoobay.

Mid ka mid ah gawaarida ayaa ku qarxay afaafka hore ee ilaalada saldhigga, waxaana uu burbur xooggan uu soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ka duulaan amaba ay soo caga dhigtaan.

Afhayeen u hadlay howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa barta Tweetarka waxa uu soo dhigay in weerrarka uu ahaa mid wayn oo culus, oo loo adeegsaday hoobiyayaal, rasaas culusna la is waydaarsaday islamarkana la rumaysan yahay in weerarka ay ku lug lahaayeen laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa waqooyiga waddanka Mali 2013-kii loo daadgureeyey ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kaddib markii ay halkaasi ay bartilmaameed u noqotay ururo xag jir ah oo uu ka mid yahay urur weynaha Al Qaacidda.

Dalka Mali ayaa la sheegay in uu yahay dalka ciidamada nabad ilaalinta ee ugu badan ay ku dhintaan guud ahaan caalamka.

Previous Post

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Next Post

WARMURTIYEEDKA SHIRKA WADATASHIGA WASAARADAHA WARFAAFINTA DALKA “DHAGEYSO”

Next Post
R/wasaare Kheyre oo kulan looga hadlay Amniga Caasimadda la qaatay Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Booliska+Sawirro

WARMURTIYEEDKA SHIRKA WADATASHIGA WASAARADAHA WARFAAFINTA DALKA "DHAGEYSO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In