Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guryaha ku yaal magaalada Timbuktu ay gariireen xilli 10 qarax oo waa weyn laga maqlay saldhig shan kiilo mitir koonfurta ka xiga magaalada.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale.

Warar halkaasi soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaarida lagu fuliyay weerrar lagu soo xardhay midabka gawaarida gaashaaman ee dalka Mali halka midka kalana loo soo ekaysiiyay gawaarida Qaramada Midoobay.

Mid ka mid ah gawaarida ayaa ku qarxay afaafka hore ee ilaalada saldhigga, waxaana uu burbur xooggan uu soo gaaray dhabbaha ay diyaaradaha ka duulaan amaba ay soo caga dhigtaan.

Afhayeen u hadlay howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali ayaa barta Tweetarka waxa uu soo dhigay in weerrarka uu ahaa mid wayn oo culus, oo loo adeegsaday hoobiyayaal, rasaas culusna la is waydaarsaday islamarkana la rumaysan yahay in weerarka ay ku lug lahaayeen laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa waqooyiga waddanka Mali 2013-kii loo daadgureeyey ciidammada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kaddib markii ay halkaasi ay bartilmaameed u noqotay ururo xag jir ah oo uu ka mid yahay urur weynaha Al Qaacidda.

Dalka Mali ayaa la sheegay in uu yahay dalka ciidamada nabad ilaalinta ee ugu badan ay ku dhintaan guud ahaan caalamka.

Previous Post

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Next Post

WARMURTIYEEDKA SHIRKA WADATASHIGA WASAARADAHA WARFAAFINTA DALKA “DHAGEYSO”

Next Post
R/wasaare Kheyre oo kulan looga hadlay Amniga Caasimadda la qaatay Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Booliska+Sawirro

WARMURTIYEEDKA SHIRKA WADATASHIGA WASAARADAHA WARFAAFINTA DALKA "DHAGEYSO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In