Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

April 14, 2018
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Dugsiga Tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye kaga qeyb galay shir ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo amniga waddooyinka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa kala hadlay saraakiisha Booliska sidii looga hortagi lahaa gaadiidka sumad la’aanta ah (taariko la’aanta) ee adeegsado waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona arrinkan laga soo saaray awaamiir cad oo tilmaamaysa in gabi ahaanba magaalada lagu dhex wadan karin gaadiidka aan taarikada lahayn.

Related posts

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka codsaday masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Dawlad dhexe in ay u hoggaan sanaadaan awaamirta wada jirka ah ee lagu hubinayo gaadiidka, taas oo lagaga hortagayo falalka amni darrada ah.

“Laamaha kala duwan ee Boolisku waxa ay ka shaqeeynayaan waa ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas darteed waxaa waajib ina ku ah in aan garab istaagno, una hoggaansanno soo joodeedintooda iyo awaamirtooda.”

Eng.Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Benaadir in ay dardar geliyaan wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee ay la leeyihiin laamaha ammaanka, taas oo kaalin muhiim ah ka qaadata dadaallada joogtada ah ee lagaga hortagayo falalka ay argagixisadu u maleegayaan shacabka.

Kulanka Waxaa Guddoomiyaha Gobolka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”.

Next Post

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Next Post
Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Weerar lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku leeyihiin dalka Mali.

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC...

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda “SAWIRRO”

August 17, 2022
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda...

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

Wasiiru Dowlaha W/Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay agaasimeyaasha wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane.Ilyaas Cali Xassan oo wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In