Mogadishu , Sabti, May 30, 2015- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda, ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed .
Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta, halka dhanka dowladda Shiinaha ay goob-joog ahaayeen Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian iyo diblomaasiyiin kale .
Mr. Liu Guijin ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid inuu arko horumarka ka jira , kelana hadlo dowladda Soomaaliya arrimaha ammaanka, horumarinta iyo iskaashi wadajir ah oo balaaran oo labada dal ay yeeshaan .
Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay qorsheyneyso sidii ay u heli laheyd deeqaha horumarinta Dowladda China ay siiso Wadamada Africa , si loo fududeeyo howlaha dib u dhiska , maalgashiga iyo wax wadaaga labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha .
Mudane, Khaled Cumar Cali ayaa xusay in “ Focac” sanad waliba ay sameyso qoondo lacageed oo lagu horumariyo Africa , Soomaaliyana ay baahi weyn u qabto helidda qeybta ay ku leedahay barnaamijkaasi wax ku oolka ah , isagoo cadeeyay in Dowladda Shiinaha ay dalka ka fulin doonto qorshe balaaran oo dib loogu dhisi doono , laguna dayactiri doono dhismayaal iyo waddooyin .
Wasiiru dowlaha , wuxuu tilmaamay in Shiinaha ay tahay dowlad saaxiib la ah Soomaaliya , xiriir qoto dheerna ay leeyihiin labada dal , waxa uu yiri “ Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh dhul bacrisan oo ku haboon beerashada iyo kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badda iyo beriga , ayaa waxaanu dooneynaa inaanu helno qaab kheyraadkaasi lagu heli karo , loogana faa’ideyn karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.