Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday isbitaalka Indonesia ee magaalada Qaza oo sida la xaqiijiyay ay ku dhinteen 12 qof oo ay ku jiraan bukaanno horay ay dhaawacyo ugu soo gareen duqeymahii ciidamada Isra’iil ay ka geysteen isla magaaladan.
Ciidamada Israel ayaa qirtay iney Gantaal ku dhufteen Isbitaalka ka dib markii ay ku andacoodeen in rasaas looga soo riday, hase ahatee Xamaas iyo maamulka Isbitaalka ayaa arrintaas beeniyay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom ayuu ku yiri: “WHO waxay ka naxsan tahay weerarka lagu qaaday Isbitaalka Indonesia ee magaalada Qaza, Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waa inaanay la kulmin argagaxa noocaan ah, gaar ahaan marka ay gudaha isbitaalka ku jiraan” .
Isra’iil ayaa cambaareyn caalami ah kala kulantay weerarada ay ku hayso Isbitaalada magaalada Qaza oo loo arko dambi dagaal oo ka dhan ah bani aadannimada.