War digniin ah oo xalay ka soo baxay Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa lagu sheegay in hoos u dhaca tijaabooyinka Covid-19, ay keentay in xanuunkan uu ku sii fido Caalamka, isagoo sameeynaayo isbeddello halis ah.
William Rodriguez, oo madax ka ah Ururka Cilmi-baarista Caalamiga ah ee “FIND”, ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay Dowlado badan ay si fudud u joojiyeen baaritaanka Covid-19, taasi oo sahashay inuu faafo Xanuunkan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in afartii bilood ee la soo dhaafay, uu sare u kacay faafitaanka Omicron, taasi oo keentay heerka baaritaannada oo hoos u dhacay 70 ilaa 90 boqolkiiba adduunka oo dhan.
Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameeysay WHO, waxaa xanuunkan u geeriyootay in ka badan Lix milyan oo qof tan iyo markii ugu horreysay ee uu Feyruskan ka soo ifbaxay dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii 2019.