Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wiil Soomaaliyeed oo Hargeysa ka tagay oo waxbarasho ka billaabaya Jaamacadda Harvard

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wiil Soomaaliyeed oo Hargeysa ka tagay oo waxbarasho ka billaabaya Jaamacadda Harvard

Abdisamad- (C) Sahan Journal

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xigasho: Sahan Journal 

Abdisamad Muhiyadin Adan, waa arday Soomaali ah oo jira labaan sano wuxuu ka tagay magaalada Hargeysa. Cabdisamad waxaa aqbashay jaamacadda magaca weyn ee Harvard eek u taalla dalka MAreykanka. Wuxuu helay waxbarasho minxo ah oo dhamaanaysa sanadka 2019-ka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Abdisamad wuxuu ka qalin jabiyay dugsiga cilmiga bulshada iyo technology-yada ee Abaarso, oo ku yalla magaalada Hargeysa.

Dugsiga Abaarso, waxaa la aasaasay sanadkii 2009-ka, waa School leh hooy oo ay ardaydu seexdaan, waxaa wax ka barta 185 arday oo heerkoodu u dhaxeeyo fasalka 7aad ee degsiga dhexe iyo fasalka 12aad ee dugsiga sare u dambeeya.

“Ma ihi wiilka uu wanaagsan Soomaaliland, Laakin waxaan helay fursad aan ku dhigto dugsiga Abaarso” ayuu u sheegay Cabdisamad Telefishanka CNN.

Wuxu billaabi doonaa bisha September waxbarashada darajada koowaad ee Jaamacadda, markii uu helay aqbalaadda jaamacadda kaddib, wuxuu u sheegay ayeeyadiis inuu aadayo jaamacadda Harvard oo aysan waligeed maqlin.

“Harvard wax micno ah uguma fadhin ayada, laakin markii ay xaqiiqsatay inaan helay waxi aan rabay, waa ay faraxday” ayuu yiri Cabdisamad.

Abaarso, waa dugsi waxbarasho oo uu aasaasay nin u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Jonathan Starr, wuxuu ku kharash gareeyay shan boqol oo kun oo dollar oo uu isagu lahaa sida ay sheegeyso Sahan Journal oo qortay sheekadan.

Dugsigu, wuxuu qorsheynayaa inuu ballaariyo shaqada oo uu qabto arday cusub, sidoo kale uu badiyo fasallada, shaqaalaha iyo qalabka waxbarashada. Waxaa ka caawin doona arrintaas hay’adaha deeqaha bixiyo oo ay ku jirto USAID.

Sida lagu daabacay bogga iskoolka, Abaarso waxay $2.5 million ku kharash gareysay waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siisay 24 arday, 19 ka mid ah ardaydaas ayaa waxbarasho u aadaya dalka Mareykanka.

Qaar ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn mareykanka oo ay ku jiraan Massachusetts Institute of Technology, Georgetown University, Carnegie Mellon University iyo Amherst College ayaa aqbalay inay wax baraan ardayda ka qalin jabisay dugsiga Abaarso.

Mr. Starr oo ah aasaasaha dugsigaan ayaa sheegay in jaamacado badan oo ku yaalla Mareykanka iyo dalalka ree galbeedka ay u malaynayeen in ardayda wax ku soo baratay Soomaaliya aysan awoodin inay wax ka bartaan jaamacadahooda.

Ardayda ka baxday Abaarso ayaa muddo sanad ah dibadda wax ka barta si ay ula qabsadaan waxbarashada jaamacadeed.

Sidaas oo kale, Abdisamad wuxuu wax ka bartaa Iskool ku yaalla New York muddo sanad ah, si uu isugu diyaariyo jaamacadda . wuxuu sheegay inuu xiiseynayay inuu barto dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda. “Waxaan isku dayayayaa inaan sare u qaado heerkeyga maalinba maalinta ka dambeysa, si aan u caawiyo waddankeyga” ayuu yiri Abdisamad.

“Dadku wxay ii sheegayaan in jaamacadda Harvard ay runtii tahay mid tartan ka jiro, qof kasta wuxuu isku dayayaa inuu kaa badiyo, waan ka helay, waa wax weyn, taasi waa waxa aan doonayo” ayuu ku soo gabagabeeyay warkiisa.

Xigasho: Sahan Journal 

Previous Post

Maareeye: “Shiinaha waxey diyaar u yihiin inay mashaariic horumarineed Soomaaliya ka fuliyaan.”

Next Post

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Next Post
Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In