Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wiil Soomaaliyeed oo Hargeysa ka tagay oo waxbarasho ka billaabaya Jaamacadda Harvard

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wiil Soomaaliyeed oo Hargeysa ka tagay oo waxbarasho ka billaabaya Jaamacadda Harvard

Abdisamad- (C) Sahan Journal

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xigasho: Sahan Journal 

Abdisamad Muhiyadin Adan, waa arday Soomaali ah oo jira labaan sano wuxuu ka tagay magaalada Hargeysa. Cabdisamad waxaa aqbashay jaamacadda magaca weyn ee Harvard eek u taalla dalka MAreykanka. Wuxuu helay waxbarasho minxo ah oo dhamaanaysa sanadka 2019-ka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Abdisamad wuxuu ka qalin jabiyay dugsiga cilmiga bulshada iyo technology-yada ee Abaarso, oo ku yalla magaalada Hargeysa.

Dugsiga Abaarso, waxaa la aasaasay sanadkii 2009-ka, waa School leh hooy oo ay ardaydu seexdaan, waxaa wax ka barta 185 arday oo heerkoodu u dhaxeeyo fasalka 7aad ee degsiga dhexe iyo fasalka 12aad ee dugsiga sare u dambeeya.

“Ma ihi wiilka uu wanaagsan Soomaaliland, Laakin waxaan helay fursad aan ku dhigto dugsiga Abaarso” ayuu u sheegay Cabdisamad Telefishanka CNN.

Wuxu billaabi doonaa bisha September waxbarashada darajada koowaad ee Jaamacadda, markii uu helay aqbalaadda jaamacadda kaddib, wuxuu u sheegay ayeeyadiis inuu aadayo jaamacadda Harvard oo aysan waligeed maqlin.

“Harvard wax micno ah uguma fadhin ayada, laakin markii ay xaqiiqsatay inaan helay waxi aan rabay, waa ay faraxday” ayuu yiri Cabdisamad.

Abaarso, waa dugsi waxbarasho oo uu aasaasay nin u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Jonathan Starr, wuxuu ku kharash gareeyay shan boqol oo kun oo dollar oo uu isagu lahaa sida ay sheegeyso Sahan Journal oo qortay sheekadan.

Dugsigu, wuxuu qorsheynayaa inuu ballaariyo shaqada oo uu qabto arday cusub, sidoo kale uu badiyo fasallada, shaqaalaha iyo qalabka waxbarashada. Waxaa ka caawin doona arrintaas hay’adaha deeqaha bixiyo oo ay ku jirto USAID.

Sida lagu daabacay bogga iskoolka, Abaarso waxay $2.5 million ku kharash gareysay waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siisay 24 arday, 19 ka mid ah ardaydaas ayaa waxbarasho u aadaya dalka Mareykanka.

Qaar ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn mareykanka oo ay ku jiraan Massachusetts Institute of Technology, Georgetown University, Carnegie Mellon University iyo Amherst College ayaa aqbalay inay wax baraan ardayda ka qalin jabisay dugsiga Abaarso.

Mr. Starr oo ah aasaasaha dugsigaan ayaa sheegay in jaamacado badan oo ku yaalla Mareykanka iyo dalalka ree galbeedka ay u malaynayeen in ardayda wax ku soo baratay Soomaaliya aysan awoodin inay wax ka bartaan jaamacadahooda.

Ardayda ka baxday Abaarso ayaa muddo sanad ah dibadda wax ka barta si ay ula qabsadaan waxbarashada jaamacadeed.

Sidaas oo kale, Abdisamad wuxuu wax ka bartaa Iskool ku yaalla New York muddo sanad ah, si uu isugu diyaariyo jaamacadda . wuxuu sheegay inuu xiiseynayay inuu barto dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda. “Waxaan isku dayayayaa inaan sare u qaado heerkeyga maalinba maalinta ka dambeysa, si aan u caawiyo waddankeyga” ayuu yiri Abdisamad.

“Dadku wxay ii sheegayaan in jaamacadda Harvard ay runtii tahay mid tartan ka jiro, qof kasta wuxuu isku dayayaa inuu kaa badiyo, waan ka helay, waa wax weyn, taasi waa waxa aan doonayo” ayuu ku soo gabagabeeyay warkiisa.

Xigasho: Sahan Journal 

Previous Post

Maareeye: “Shiinaha waxey diyaar u yihiin inay mashaariic horumarineed Soomaaliya ka fuliyaan.”

Next Post

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Next Post
Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In