Waqooyiga Kuuriya ayaa markii labaad gantaal balaastik ah dul mariyay hawada dalka Jabaan,taasoo abuureysa xaalad cusub oo ku timid gobolka,kadib markii dalkasi wax ka yar laba isbuuc uu tijaabiyay hubka Niyuklerka.
Gantaalkaasi ayaa gaaraya xagga hawada masaafo dhan 770 km,isagoo socay ilaa 3700 km ,kahor inta uusan ku dhicin badda Hokkaido ,sida ay ku warameen Mileteriga dalka Koonfurta Kuuriya.
Gantaalkaan ayaa la shaaciyay in uu ka farsamo sareeyo,kana xowli badan yahay midkii bishii la soo dhaafay lagu tijaabiyay hawada dalka Jabaan.
R/wasaaraha Japaan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisu uusan u dulqaadan doonin tallaabadaasi qatarta ah ee gardarada dalka Waqooyiga kuuriya.
Dhawaan ayay ahayd ka dib markii Golaha Amaanka Qarmada midoobay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah ay dul dhigeen wadanka Waqooyiga Dalka kuuriya Hasayeeshee kuuriyada waqooyi ayaa iska dhaga tirtay go,aanka Golaha Amaanka ee QM.