Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo booqday Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo booqday Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ujeedka kormeerkan uu Wasiir ku-xigeeka Wasaaradda caafimadka ee xukuumada fedraalka Soomaliya ahna ku-simaha Wasiirka mudane Cismaan Maxamed Cabdi Daalo uu ku tagay xarunta Jaamacadda SIU gaar ahaan qeyb kuliyadda Caafimadka ee magaalada Muqdisho ayaa ah sidii Wasaaradda Caafimadka ay wax ugu ogaan laheyd Tayada waxbarshada caafimadka ee Kaamacadaasi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay fasalada ay arday wax kubartaan iyo qeybaha lagu tababaro si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada dhinaca caafimaadka si loo soo saaro dhaqaatiir tayo leh.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Prof Daaha Ombali Axmed oo u dhashay dalka Suudaan, isla markaana bara ka ah kuliyadda Caafimadka ee Jaamacadda SIU oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin kabixiyay ahmiyadda uu caafimadka u lee yahay bulshada.

“Waxaan ugu horeyn uga mahad celinayaa Kaamacadda SIU sida wanaagsan ee fursadan ay ii siisay oo ku aadan sidii adeegyada caafimaad ee bulshada loo horumarin lahaa, waana muhiim Arrintaan” sidaasi waxaa yiri barre Ajnabi ah oo kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda SIU wax ka dhiga.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa madasha ka sheegay in Jaamacadda ay hiigsaneyso sidii ay usoo saari laheyd
dhaqaatir taya leh oo buuxin kara baahida adeegyada caafimad ee dalka ka jira.
“Waxay Jaamacadda hiigsaneysaa in ay noqoto xarun soo saarta arday wadato aqlaaqiyaadka aas aasiga ah ee waxbarasho ku filan iyo xirfadda ardaydaasi oo la rabo mustaqbalka in naftooda iyo tan Qarankaba in ay ka geystaan horumar la taaban karo, arintaas majirto cid
kaligeed sameyn karto waxey u baahan tahay in ay sameeyaan dad kala duwan iyo Dalal kala duwan” ayuu yiri Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimadka ee xukuumadda federaalka Soomaliya mudane Cismaan maxamed Cabdi Daalo ayaa ku bogaadiyay ardayda dhigata kuliyadda Caafimadka in mustaqbalka ay xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta adeegyada caafimaad ee shacabka Soomaliyed u baahan yihiin.

“Waxaan qayaasayaa in qofku uu ku xisaab tami doono, 100 nuber ayaan maanta qaabilay ee halkii nuber waxaan maanta ku dhuftay labaatan doolar maalintii waxaan shaqeeyay laba kun oo doolar bishiina waxaan shaqqeyay lix kun ama shan kun oo doolar in wax noocas oo kala ah uu ku fikiro qofka dhaqtarka noqda haku xisaab tamin nuber haku xisaab tamina in aad lacag ka faaidaan caafimad
Caafimadka hadii aad lacag kas ameyso hadhow dib ayaad isugu daweyn doonta dadka Soomaaliyed ee dhibaateysan waxaa loo baahan yahay in aad u gar gaartan bulshada, waxaa loo baahan yahay in aad caawisaan dadkeena Soomaaliyed ee ku nool baadiyaha, waayo ma heystaan caafimad waad ogtihiin in hooyooyinkeena Soomaaliyeed ay maalin kasto baadiya ugu dhintaa umu lisa la’aan sabab too ah ma heystaan umulisa Taqa susleh marka waa in aad noqotaan arday ku fikireysa sidii aad berrito wax ugu qaban laheyden in aad tagtaan baadiyaha oo aad caawisan bulshada kunool baadiyaha” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka

Wasiir ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in dhawaan magacaabi doonto Wasaaradda guddi baaritaan ku sameyn doono Tayada
waxbarsho ee kuliyadaha caafimadka ay bixiyaan Jaamacadaha kuyaala dalka,
“Wasaaradda Caafimad waxey sameyn doonta sharciga caafimadka dalka waxaa la dhisi doona guddiga caafimadka Qaranka waxey kala saari doonan Jaamacadee ah Jaamacad sax ah oo tayadeeda wanaagsan tahay si loo soo saaro arday taya leh, Wey sahlan tahay in Tabeelayaasha darbi lagu soo dhajisto oo lagu qorto magac Jaamacad hebel”.

Wasaaradda caafimadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waday qorshayaal lagu horumarinaayo adeegyada caafimad ee dalka,

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Previous Post

Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed “SAWIRRO”

Next Post

Xubno ka tirsan Ururka haweenka Qaranka oo gaaray Cadaado ” Sawirro”

Next Post
Xubno ka tirsan Ururka haweenka Qaranka oo gaaray Cadaado ” Sawirro”

Xubno ka tirsan Ururka haweenka Qaranka oo gaaray Cadaado " Sawirro"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In