Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wufuuda ka socota Imaaraadka iyo Israa’iil oo gaaray Washington si ay u saxiixaan heshiiska ay dhawaan wada galeen.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Wufuuda ka socota Imaaraadka iyo Israa’iil  oo gaaray  Washington si ay u saxiixaan heshiiska ay dhawaan wada galeen.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wufuudda ka kala soctay Israa’iil iyo Imaaraadka ayaa gaaray caasimada Maraykanka ee Washington, si ay u meelmariyaan heshiiski ay dhawaan wada gareen, xafladda saxiixa heshiiska ayaa dhici doonta maalinta Talaadada ah ee soo socota sida la qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horay u sheegay in heshiiskan ay la saxiixanayaan Imaaraadka iyo Baxreyn uu ka dhci doona Washington, dhankoodana ay kaga bixidoonto dhaqaala badanay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Hadalkan waxuu ka dhawaajiyay  Netanyahu ka hor inta uusan fuulin diyaaraddii ka qadeeysay Telabiib kuna sii jeeday Washington, si uu uga qaybgalo xafladda saxiixa heshiiskii ay kal hore la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn, ee uu garwadeen ka ahaa Mareykanka.

Wakaaladda wararka Imaraadka ee (WAM) ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Imaraadka Abdullah bin Zaayid Al Nahyan, uu gaaray caasimadda Mareykanka isaga oo horkacaya  wafdi rasmi ah oo ay ku jiraan saraakiil sarsare, si ay uga qeybqaataan saxiixa heshiiska diblomaasiyadeed ee lala galay Israa’iil.

Wakaaladda ayaa ku warantay in  wafdiga ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Mareykanka iyo kan Qaramada Midoobay u fadhiya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Hungary, ayaa la xaqiijiyay in uu noqon doono wasiirka kaliya ee wasiirada arimaha dibada  wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ee kaqeyb galaya xaflada saxiixa heshiiskan udhaxeeya Imaaraadka, Baxreyn iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Hungary Peter Zegarto ayaa wakaaladda wararka Hungary ee (MTI in)  u sheegay in wasiirka uu casuumaad ka helay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si uu ugu qeyb galo xaflada saxiixa  heshiiska ee lagu qaban doono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Wadamo ay ka mid yahiin faransiiska iyo ingiriiska ayaa soo dhaweyay heshiiskan, sidoo kale gudiga fulinta ee midowga Yurub oo soo dhaweeyay heshiiskan ayaa sheegay in dhaqangalka heshiiskan uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Ururka Culimada Muslimiinta ayaa cambaareeyay heshiiska dhexmaray Baxreyn iyo Imaaraadka iyo Israa’iil.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Culimada Islaamka Dr. Cali Al-Qaradaaci ayaa carrabka ku adkeeyay in aarinkan uu daba socda qabsashada Qudus ee ay ka aamuseen Muslimiinta Caalamka, iyo in waddamad Carabta ay dhagaha ka fureysteen dulaanka Har iyo Habeen lagu haayo Shacabka Falastiin.

Hadaladan ayaa yimid kadib markii  Baxrayn ay ku dhawaaqday Jimcihii inay xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa ay la yeelaneeyso Israa’iil,  si ay ula mid noqoto Imaaraadka Carabta oo hore tallaabo tan la mid ugu dhawaaqay 13-kii bishii August ee sanadkan.

Previous Post

Taliska booliska Magaalada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku soo dhigay nin fal dhawac ah geeystay.

Next Post

Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay Dad soomaali ah.

Next Post
Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay Dad soomaali ah.

Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay Dad soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In