Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay ku dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa tilmaamaya in wali ay socdaan dadaalada xalka loogu raadinayo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo waxgaradka labada dhinac iyo culumadu ay howshaasi isku xil saareen.
Wali waxaa la sheegayaa in ciidanku ay is hor fadhiyaan, inta badan dadka shacabka ahna ay isaga barakaceen magaalada, inkastoo iminka xaaladu ay dagantahay.