Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo dhawaan shabaab laga saaray Waasidee”Warbixin kooban”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab Ee Ku Sugan Baardheere Oo Baqdin Soo Foodsaartay Iyo Ciidamada Qalabka Sida Oo Ku Wajahan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha AMISOM yaa Howlo kormeer ah ku tagay degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor halkaa soo dhawaan Ciidamada xoogga ay kala Wareegeen Maleeshiyada Al Shabaab.

Wafdiga socdaalka ku tagay Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere waxa Hoggaaminayay Afhayeenka Ciidamada AMISOM iyadoo xaladda Deegaannadaas ay u muuqdeen kuwo daggan inkastoo aanay jirin wax Dhaqdhaqaaq dad shacab ah iyo Adeegyada bulshada oo  halkaas ka maqnaa sababa la xiriira dagaalkii degmooyinkaas ka dhacay kaa soo lagu jabiyay Cadowga Nabaddiidka ah ee Shabaab.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxda Ciidamada AMISOM ayaa inta ay howshaas kormeerka ah wadeen waxa ay la kulmeen dad shacab ah oo dib ugu soo laabtay guryahooda si ay uga faa”iidaystaan fursadda ciidamada Dowladda ay siiyeen dadkaas oo ah in laga dul qaado Cadowga Shabaab oo shacabkaas u diiday inay si Xoriyad ah u Noolaadaan.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay iyaga oo ka hadlaya dareenkooda in ay Aad ugu farax sanyihiin  in maanta ay arkayaan ciidamadii xoogga dalka oo la Jooga kana ilalinaya cidkasta oo Nabadda iyo Nolosha u diidan Dadkaas.

Abaanduulaha Guutada Sagaalaad ee Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Gedo Cornel Cismaan Sheekh Cabdi “Qorrax” ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka  Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay joogaan muddo gooban isla markaana ay diyaar u yihiin in ay la sii dagaallamaan kooxda Shabaab.

“Sidaad la socotaanba Walalayaal Annagu waxaan nahay Ciidamada xoogga dalka, waxaan halkaan nimid bishii Todobaad  Gudaheeda waxaana u dhimid Inaan Cadowga Alshabaab aan ka Xurayno halkaan Deegaanno badan baan horay uga soo saarnay sidaad la socotaan Insha Allaahu Tacaalaa Waxan Rajaynaynaa inaan la sii dagaallanno” ayuu yiri Cornel Cismaan Sheekh Qorraxay.

Dhinaca kale Abaanduulaha ayaa sheegay in kooxda  Cadowga ummadda Soomaaliyee ee Shabaab aysan joogin degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah ee horay halkaas uga barakacay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda.

diinsoor

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur  oo isna ka hadlay Xaaladda Degmadaas ayaa sheegay in qab-sashada degmada Diinsoor ay Dowladdu u tahay Guul iyo Wax lagu Faani karo.

“halkaan waxaa u dhow  Garaash ay hadda ka hor ku  sameeynayeen wax yaabaha Qarxa kaa soo iyaga ku qarxay  Diinsoor waxa ay ahayd meel ay shabaab  ku Bixiyaan dhiigga shacabka  Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur.

Cadowtinimada kooxda Arxan laawa yaasha ah ee shabaab ayaa dhibato adag degmada Diinsoor ugu gaysan jiray dadka Shacabka ah iyo kuwa sida Safarka ah u soo mari jiray halkaas oo ay qaarna ku qasbi jireen fikirkooda halka kuwo kalana ay Sida xoolo u gowrici jireen.

Guddoomiye Ibraahim Maxamed Nuur oo ay ka muuqato Farxad Aan la Qiyaasi Karin ayaa Ammaan kala dul dhacay Ciidamada Xoogga dalka oo Suurto geliyay in degmada Diinsoor Shabaab laga Saaro.

“Meeshaan waxa ay ahaan jirtay kawaan dad gobollada Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho laga soo qabto lagu qali jiray  Dhowr iyo toban qof ayey si qasab ah ugu Amreen inay raacaan ka hor inta aanay Degmada laga Saarin  Markii ay diideenna Dhaawacyo Halis ah ayey ugaysteen  Annaga ayaa dadkaas Daweynay, Matoorradii dagmada way jareen qalabyadii  Caafimaadka wey qaatee wax ay reebeen malaha” ayuu markale Guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Ugu dambayntii hay’adaha Samafalka iyo Cidkasta oo kaalin ka qaadan karta gurmadka dadkaas Soomaaliyeed ee ku nool degmada Diinsoor ayuu ka codsaday Guddoomiyaha Degmada Diinsoor  in la caawiyo isla markaana loo keeno wax waliba oo lagu Bad,baadin karo Nolosha dadkaas.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In