Wednesday, October 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo dhawaan shabaab laga saaray Waasidee”Warbixin kooban”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab Ee Ku Sugan Baardheere Oo Baqdin Soo Foodsaartay Iyo Ciidamada Qalabka Sida Oo Ku Wajahan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiisha AMISOM yaa Howlo kormeer ah ku tagay degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor halkaa soo dhawaan Ciidamada xoogga ay kala Wareegeen Maleeshiyada Al Shabaab.

Wafdiga socdaalka ku tagay Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere waxa Hoggaaminayay Afhayeenka Ciidamada AMISOM iyadoo xaladda Deegaannadaas ay u muuqdeen kuwo daggan inkastoo aanay jirin wax Dhaqdhaqaaq dad shacab ah iyo Adeegyada bulshada oo  halkaas ka maqnaa sababa la xiriira dagaalkii degmooyinkaas ka dhacay kaa soo lagu jabiyay Cadowga Nabaddiidka ah ee Shabaab.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

October 29, 2025
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

October 29, 2025

Madaxda Ciidamada AMISOM ayaa inta ay howshaas kormeerka ah wadeen waxa ay la kulmeen dad shacab ah oo dib ugu soo laabtay guryahooda si ay uga faa”iidaystaan fursadda ciidamada Dowladda ay siiyeen dadkaas oo ah in laga dul qaado Cadowga Shabaab oo shacabkaas u diiday inay si Xoriyad ah u Noolaadaan.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay iyaga oo ka hadlaya dareenkooda in ay Aad ugu farax sanyihiin  in maanta ay arkayaan ciidamadii xoogga dalka oo la Jooga kana ilalinaya cidkasta oo Nabadda iyo Nolosha u diidan Dadkaas.

Abaanduulaha Guutada Sagaalaad ee Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Gedo Cornel Cismaan Sheekh Cabdi “Qorrax” ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka  Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay joogaan muddo gooban isla markaana ay diyaar u yihiin in ay la sii dagaallamaan kooxda Shabaab.

“Sidaad la socotaanba Walalayaal Annagu waxaan nahay Ciidamada xoogga dalka, waxaan halkaan nimid bishii Todobaad  Gudaheeda waxaana u dhimid Inaan Cadowga Alshabaab aan ka Xurayno halkaan Deegaanno badan baan horay uga soo saarnay sidaad la socotaan Insha Allaahu Tacaalaa Waxan Rajaynaynaa inaan la sii dagaallanno” ayuu yiri Cornel Cismaan Sheekh Qorraxay.

Dhinaca kale Abaanduulaha ayaa sheegay in kooxda  Cadowga ummadda Soomaaliyee ee Shabaab aysan joogin degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah ee horay halkaas uga barakacay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda.

diinsoor

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur  oo isna ka hadlay Xaaladda Degmadaas ayaa sheegay in qab-sashada degmada Diinsoor ay Dowladdu u tahay Guul iyo Wax lagu Faani karo.

“halkaan waxaa u dhow  Garaash ay hadda ka hor ku  sameeynayeen wax yaabaha Qarxa kaa soo iyaga ku qarxay  Diinsoor waxa ay ahayd meel ay shabaab  ku Bixiyaan dhiigga shacabka  Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur.

Cadowtinimada kooxda Arxan laawa yaasha ah ee shabaab ayaa dhibato adag degmada Diinsoor ugu gaysan jiray dadka Shacabka ah iyo kuwa sida Safarka ah u soo mari jiray halkaas oo ay qaarna ku qasbi jireen fikirkooda halka kuwo kalana ay Sida xoolo u gowrici jireen.

Guddoomiye Ibraahim Maxamed Nuur oo ay ka muuqato Farxad Aan la Qiyaasi Karin ayaa Ammaan kala dul dhacay Ciidamada Xoogga dalka oo Suurto geliyay in degmada Diinsoor Shabaab laga Saaro.

“Meeshaan waxa ay ahaan jirtay kawaan dad gobollada Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho laga soo qabto lagu qali jiray  Dhowr iyo toban qof ayey si qasab ah ugu Amreen inay raacaan ka hor inta aanay Degmada laga Saarin  Markii ay diideenna Dhaawacyo Halis ah ayey ugaysteen  Annaga ayaa dadkaas Daweynay, Matoorradii dagmada way jareen qalabyadii  Caafimaadka wey qaatee wax ay reebeen malaha” ayuu markale Guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Ugu dambayntii hay’adaha Samafalka iyo Cidkasta oo kaalin ka qaadan karta gurmadka dadkaas Soomaaliyeed ee ku nool degmada Diinsoor ayuu ka codsaday Guddoomiyaha Degmada Diinsoor  in la caawiyo isla markaana loo keeno wax waliba oo lagu Bad,baadin karo Nolosha dadkaas.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

October 29, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimadda Dalka...

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

October 29, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

October 29, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa maanta ka qayb galay xaflad heer...

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

October 29, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga labada Hindise Sharciyeed: Xeerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In