Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn

May 13, 2018
in Wararka
0
Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Waxaa sii kordhaya saameynt fatahaadaha uu Baladweyn ka sameeyey Webiga Shabeele,iyadoo weli uu taagan yahay qulqulka dadka ka barakacaya biyaha webiga.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in dadku ay bilaabeen adeegsiga doomo loo isticmaalayo biyaha dhex ceegaaga xaafadaha iyo kuwa webiga,si dadku ay isaga kala gooshaan meelaha ay u barakacayaan.

Isticmaalka doomaha ayaa timid markii dadku ay cabsi ka muujiyeen gaadiidka oo batay shilalkiisa,waxaana dhawaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Makiinad Cagaf Cagaf ah oo rogmatay xili ay dadbadan siday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi,iyadoo dhanka kale ay sheegeen in dad badan ay ku go’doonsanyihiin xaafadaha magaaladaasi oo biyhuhu ay jareen.

Waxaa adag in latago ama laga soo boxo xaafadaha qaarkood,taasi oo sii kordhinaysa walaaca laga muujinayo saameynta fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Kumanaan qof oo guryohooda buhuyu fariisteen ayaa haatan deegaansanaya deegaanka Ceeljale ee duleedka magaaladaasi Baladweyne iyo goobo kale,xaaladda nololeed ee dadkaasi ayaa aad u adag,inkastoo ay socdaan howlaha loogu gurmanayo dadkaasi dhibaataysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar,balse sida muuqata saameynta fatahaadaasi ay ka xoogan tahay ku filnaanshaha dadkaasi gurmadka la gaarsiinayo,sababo la xiriira fatahaada oo noqotay tii abid ugu xooganayd sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka reer Baladweyne.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Axad 13-5-2018

Next Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Next Post
Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In