Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Xaaska horjoogaha daacish oo lagu riday xukun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun 8 sano oo xabsi Ciidan ah ku riday xaaska horjoogaha kooxda daacish Fartuun Cabdirashiid Xuseen.

Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hey’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xiraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Fartuun ayaa hadda Waxa ay tahay Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Al-shabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Khawaarijta Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto inkasto deegaanka rasmiga ah u ahaa Gaalkacyo.

2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun.

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay qaar ka mid Madaxda hay’addaha deeqda bixiyaan 

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay qaar ka mid Madaxda hay’addaha deeqda bixiyaan 

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay qaar ka mid Madaxda hay’addaha deeqda bixiyaan 

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bartiisa qoraal uu soo dhigay ku bogaadiyey kulankii maanta. Waxaan...

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In