Qoraal ay ku daabacday Washington Post, ayeey ku macneysay qorshaha lagu kala kexeynayo qoysaska,gaar ahaan caruurta iyo waalidiintooda in ay yihiin niyad jab iyo cadowtinimo .
Hadaladaan ayaa dabajooga muranno siyaasadeed oo sii kordhaya ,kana dhashay dadka la masaafurinayo,gaar ahaan caruur iyo waalid la kala kexeynayo .
Afhayeen u hadashay Melania Trump oo ah marwada koowaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid muujineysa walaac,waxayna ku baaqday n labada xisbi ay ka shaqeeaan sidii isbadal loogu sameyn lahaa arimaha dadka soo galootiga ah.