Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee  Al-shabab, kana mid ah kooxda qaabilsan marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raad joogay muddo shan bil ah oo ay ku dhuumaaleysaneysay qeyba kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Leyla ayaa kooxda al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta Carruurta iyo haweenka, iyadoo malcaamad xifdinta Qur’aanka Kariimka  lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay degmada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud, oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay howshan ku jirtay muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Al-Shabaab garsiiyeen dad badan oo ay uga faa’iidaysteen aqoon yarida, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba.

Haweeneydan ayaa si indho la’aan ah ugu jirtay safar ay ku baadigoobeysay seygeeda oo ah nin Ajnabi ah oo loogu sheegay degmada Jilib, sida ka muuqata hadalkeeda.

Marin habaabinta Leyla waxaad ka dheehaneysaa fikirka ay ka aaminsan tahay qaraxyada naftii hallignimada ee ay Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka.

Previous Post

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In