Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xabad joojin ka hirgashay Koonfur Suudaan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xabad joojin ka hirgashay  Koonfur Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxiixdeen maalintii Khamiistii Dalka Ethiopia.

Related posts

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026

Heshiiskan ayaa dhigaya in hey’ddaha gargaarka loo ogolaado inay gurmad garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada ka jirtay waddankaasi.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.

In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay’addaha gargaarkuna ay ka digeen cuna yari ba’an.

Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaaro, ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.

BBC

 

Previous Post

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Dhismaha Qaranka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In