Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu maamuusayey Maalinta caalamiga ah ee 8 March ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu maamuusayey Maalinta caalamiga ah ee 8 March ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu maamuusayey Maalinta caalamiga ah ee 8 March ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaana xafladani ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay gobolka Minnesota iyo Xildhibaanad Sacdiyo Xaaji Salaad iyo Halyeeyada Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon Hibo Nuura iyo Masuuliyiin kale.

Munaasabadani lagu maamuusayey Maalinta haweenka Aduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay ururka USUROON oo ah urur u dooda Xaquuqda haweenka iyo dhalaanka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Marti sharaftii ka qeyb gashay Munaasabdani ayaa goobta ka jeediyey hadallo ay uga warrameen ahmiyadda haweenka Soomaaliyeed oo ay sheegeen inay kaalin mug-weyn ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgalyada, dib u dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo ay sheegeen in la ilaaliyo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed oo la xoojiyo ay dar-dar galinayso horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Salaad oo ka qeyb gashay kulankani lagu xusayey maalinta haweenka aduunka oo la hadashay Talveshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa u mahadcelisay ururka Usuroon iyo dumarkii soo qaban qaabiyey barnaamijkani.

Munaasabadani intii ay socotay ayaa waxaa abaalmarin qaali ah la gudoonsiiyey Halyeeyada Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon Hibo Nuura ka dibna waxay hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan.

ugu danbeyntii Fartuun Weli oo ah Madaxa Sare ee Ururka Isuroon oo barnaamijkani soo qaban qaabiyey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dumarka Soomaaliyeed isku duubnaadaan.

Si kastaba ha ahaatee maanta oo kale ayaa aduunka oo dhan loogu dabaal degay maalinta haweenka Aduunka waxayna ku soo aadaysaa xilli abaaro xoogan uu ka jirto qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Liban Xuseen

Previous Post

Fursad Shaqo: Request for Expression of Interest

Next Post

Dad abaarta ku soo xoola beelay oo soo gaaray Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post
Dad abaarta ku soo xoola beelay oo soo gaaray Caabudwaaq “SAWIRRO”

Dad abaarta ku soo xoola beelay oo soo gaaray Caabudwaaq "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In