Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu soo dhaweynayay R/wasaraha Soomaaliya lacagona loogu aruurinayey abaaraha oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu soo dhaweynayay R/wasaraha Soomaaliya lacagona loogu aruurinayey abaaraha oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo dhaweynayey Ra’iisul wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isla markaana lacag taakuleyn iyo kaalmo loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ba’an  ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka MinnesotMunaasabadani oo ay ka soo qeyb galeen bulshada Soomaaliyeed Qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa deeq lacageed loogu aruuriyey dadka dhibaateysan. iyadoo Jaaliyadda ay samaysay gurmad aanan loo kala harin,  waxaana makarafoonka la wareegay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah  Imaamka Masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis kaasi oo dadka ku baraarujiyey in ay dadka ka qeyb qaataan taakuleynta iyo gargaarka dadka walaalaha ah ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Munaasabadani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha Soomaaliy,a iyadoo dad kala duwan ay ka hadleen munaasabadaasi oo ay goob joog ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Sacdiyo Xaaji. kuwaasi oo ka hadlay munaasabadaasi.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Wasiirka ayaa ku dheeraaday hormarka dowladii hore ee  Soomaaliya ay samaysay, isagoo dowladani u rajeeyey in ay dalka marsiiso wadada guusha, wuxuuna Wasiirka baaq u diray bulshada isagoo faah faahiyey abaaraha baahsan ee dalka ka jira taasi oo ku sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay.

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Salaad oo booqasho ku joogta gobolka Minnesota ayaa ka mid ahayd masuuliyiinta madasha ka hadashay, waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Ciise oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isagoo ku amaanay sidii sharafta lahayd ee uu xilka u wareejiyey, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Reysul Wasaaraha Soomaaliya.

Liban Hussein

Minneapolis

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo Joodariyaal gaarsiisay bukaanada isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Next Post
Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In