Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu soo dhaweynayay R/wasaraha Soomaaliya lacagona loogu aruurinayey abaaraha oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 11, 2017
in Wararka
0
Xaflad lagu soo dhaweynayay R/wasaraha Soomaaliya lacagona loogu aruurinayey abaaraha oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo dhaweynayey Ra’iisul wasaaraha Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isla markaana lacag taakuleyn iyo kaalmo loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ba’an  ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka MinnesotMunaasabadani oo ay ka soo qeyb galeen bulshada Soomaaliyeed Qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa deeq lacageed loogu aruuriyey dadka dhibaateysan. iyadoo Jaaliyadda ay samaysay gurmad aanan loo kala harin,  waxaana makarafoonka la wareegay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah  Imaamka Masjidka Daarul Hijra ee magaalada Minneapolis kaasi oo dadka ku baraarujiyey in ay dadka ka qeyb qaataan taakuleynta iyo gargaarka dadka walaalaha ah ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Munaasabadani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha Soomaaliy,a iyadoo dad kala duwan ay ka hadleen munaasabadaasi oo ay goob joog ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Sacdiyo Xaaji. kuwaasi oo ka hadlay munaasabadaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Wasiirka ayaa ku dheeraaday hormarka dowladii hore ee  Soomaaliya ay samaysay, isagoo dowladani u rajeeyey in ay dalka marsiiso wadada guusha, wuxuuna Wasiirka baaq u diray bulshada isagoo faah faahiyey abaaraha baahsan ee dalka ka jira taasi oo ku sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay.

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Salaad oo booqasho ku joogta gobolka Minnesota ayaa ka mid ahayd masuuliyiinta madasha ka hadashay, waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Ciise oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isagoo ku amaanay sidii sharafta lahayd ee uu xilka u wareejiyey, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Reysul Wasaaraha Soomaaliya.

Liban Hussein

Minneapolis

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo Joodariyaal gaarsiisay bukaanada isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post

Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Next Post
Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Erdogan oo Dutch ku dhaleeceeyay is hor istaagii wasiirka arimaha dibadda lagu sameeyay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In