Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna soo dhaweynayay Safiirka ay Dowladda Soomaaliya u magacaawday Koonfur Afrika Mudane Jamaal Maxamed Barrow ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Xafladan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Safaaradda, wafuud ka kala yimid Gobolada Westren Cape, Limpopo, Eastren Cape Gobolka Guating, bulshada qeybaheeda kala duwan ganacsato, waxgarad, haween iyo Arday kuwaasoo ku faraxsanaa in Dowladda Soomaaliya ay mar kale soo magacawday Danjire matala Dalkeena.
Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay oo qudbado ka jeediyay madasha ayaa soo dhaweeyay una duceeyay Safiirka cusub, iyagoo sidoo kale ku gubaabiyay waxbaqashada dhibaatooyinka Soomaalida ee Koonfur Afrika.
Sidoo kale Qunsalka Safaaradda Mudane Maxamed Cali Mire ( Nabadoon) ayaa ugu horeyn illah uga baryay inuu ku guuleysiiyo jagada loo soo idmaday, isagoo dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika ka codsaday inay la shaqeeyaan Safiirka cusub iyo Safaaradaba.
“Safiirka waxaan ugu hambalyaynaynaa jagadaas loo soo magaacaabay, waxaana Illahay uga baryaynaa inuu ku guuleysiiyo, waxaa intaas raacda oo anaga nagala rabaa in dhibkaas aad sheegaysaan wax laga qabto, asagane ugu fududaato shaqadaasi, Dibloomasiyiinta Safiirka iyo Safaaradda” ayuu yiri Qunsulka.
Ugu dambeyntii Safiirka ayaa isna dhankiisa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladan ku dadaalay sida ay u qabsoomi lahayd ugu mahadceliyay, waxa kale uu sheegay in Safaaradan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed dhaqaalaheedii galisay, isagoo sidoo kale mahadcelin u jeediyay howlwadeenadii Safaaradda.
Sidoo kale Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa Jaaliyadda ka codsaday in ay sii laba jibaaraan la shaqeynta Safaaradda, isagoo dhankiisa ballanqaaday inay Safaaradda sameysay koox u adeega Jaaliyadda uuna Safaaradda hiigsiga 2016 ka ay dhulka Safaaradda ay Soomaaliya yeelan doonto.
“Safaaradan laba arin ayaa laga rabaa, arinta kowaad inay kobciso xiriirka Soomaaliya iyo South Africa, waxaa kaloo laga rabaa inay u adeegto Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Souh Africa, Safaaradaan waxay matalaysa Dowladda Soomaaliyeed, waxay u adeegaysa Jaaliyadda Soomaaliya, waxaana iska leh Jaaliyadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Danjiruhu.
Inkastoo dhibaatooyinkii u badnaa dilalka iyo boobka ganacsatada Soomaaliyeed ee Koon Afrika yaraaday hadane waxaa jira dhibaatooyin xaga sharciyada ee ay Soomaalida ka cabanayaan.
WD C/qaadir Axad,
Sawir Qaade, Qorshe iyo Cumar Kiyow