Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu xusayay maal mahan xoriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay Norway-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu xusayay maal mahan xoriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay Norway-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay Sanadguurada 55 aad ee xoriyadda Soomaaliya gaar ahaan gobolada Waqooyi isla markaana lagu weynaynayay maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 26 ka Juune iyo 1da Luulyo ayaa lagu qabtay magaalada Tromso ee Woqooyiga Dalka Norwey.

Munaasabaddan oo ay si heer sare u soo qabanqaabiyeen madaxda guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Tromso ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ku nool magaaladaasi, iyadoo sidoo kalena lagu casuumay wakiillo ka socday qeybo kamid ah magaalooyinka dhaca Woqooyiga iyo Koofurta dalka Norwey.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Munaasabadda ayaa intii ay socotay Waxaa suugaan aad ay ugu riyaaqeen dadweynaha kusoo bandhigtay madasha lagu qabtay munaasabadda Fannnaannada Soomaaliyeed, iyadoo ku labisan dharka muujinaya astaanta quruxda badan ee calanka Soomaaliya oo helitaankiisa lagu bixiyey dedaal iyo halgan dheer.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Tromso Mustafa Cumar Faarax oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanadguurada 55aad ee kasoo wareegatay Maalmaha xorriyada isagoo tilmaamay in guddiga Jaaliyadda ay juhdi aad u sarrreeya ku bixiyeen qabsoomidda xafladani heerkeedu sarreeyo waxa uuna ugu baaqay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiga jaaliyadda kuna dedaalaan midnimada iyo isku xirkooda.

Sidoo kale waxgaradkii kale ee kasoo qeybgalay xafladda ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada aan maanta hoos harsaneyno waxaana dadkaasi kamid ahaa Cali Daahir Maxamed, Abdirahman Colaad iyo Axmed Biyoon kuwaas oo oo kamid ahaa mas’uuliyiintii  lagu casuumay munaasabadda .

Sanad kasta waxaa maalmaha 26ka Juune iyo 1.da luulyo laga xusaa dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo daafaha adduunka oo ay Soomaalida ku nooshahay munaasabada lagu weyneynayo maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hatan ay kasoo wareegatay muddo 55 sano ah iyadoo ay halgameyaal Soomaaliyeed ay dhabarka u xirteen inay iska saaraan heeryadii gummeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee xilligaas gacanta ku hayay gobollada Koofurta iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya islamarkaana ay gobolladaasi go’aansadeen inay midnimadoobaan iskuna biiraan taariikhdu markii ay aheyd  1 dii luulyo ee sanadkii 1960.

DSC01021 DSC01073 DSC01075 DSC01095 DSC01101 DSC01102 DSC01103

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed

Next Post

Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Next Post
Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In