Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu xusayay maal mahan xoriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay Norway-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu xusayay maal mahan xoriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay Norway-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay Sanadguurada 55 aad ee xoriyadda Soomaaliya gaar ahaan gobolada Waqooyi isla markaana lagu weynaynayay maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 26 ka Juune iyo 1da Luulyo ayaa lagu qabtay magaalada Tromso ee Woqooyiga Dalka Norwey.

Munaasabaddan oo ay si heer sare u soo qabanqaabiyeen madaxda guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Tromso ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ku nool magaaladaasi, iyadoo sidoo kalena lagu casuumay wakiillo ka socday qeybo kamid ah magaalooyinka dhaca Woqooyiga iyo Koofurta dalka Norwey.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Munaasabadda ayaa intii ay socotay Waxaa suugaan aad ay ugu riyaaqeen dadweynaha kusoo bandhigtay madasha lagu qabtay munaasabadda Fannnaannada Soomaaliyeed, iyadoo ku labisan dharka muujinaya astaanta quruxda badan ee calanka Soomaaliya oo helitaankiisa lagu bixiyey dedaal iyo halgan dheer.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Tromso Mustafa Cumar Faarax oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanadguurada 55aad ee kasoo wareegatay Maalmaha xorriyada isagoo tilmaamay in guddiga Jaaliyadda ay juhdi aad u sarrreeya ku bixiyeen qabsoomidda xafladani heerkeedu sarreeyo waxa uuna ugu baaqay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiga jaaliyadda kuna dedaalaan midnimada iyo isku xirkooda.

Sidoo kale waxgaradkii kale ee kasoo qeybgalay xafladda ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada aan maanta hoos harsaneyno waxaana dadkaasi kamid ahaa Cali Daahir Maxamed, Abdirahman Colaad iyo Axmed Biyoon kuwaas oo oo kamid ahaa masโ€™uuliyiintiiย  lagu casuumay munaasabadda .

Sanad kasta waxaa maalmaha 26ka Juune iyo 1.da luulyo laga xusaa dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo daafaha adduunka oo ay Soomaalida ku nooshahay munaasabada lagu weyneynayo maalmaha Xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hatan ay kasoo wareegatay muddo 55 sano ah iyadoo ay halgameyaal Soomaaliyeed ay dhabarka u xirteen inay iska saaraan heeryadii gummeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee xilligaas gacanta ku hayay gobollada Koofurta iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya islamarkaana ay gobolladaasi goโ€™aansadeen inay midnimadoobaan iskuna biiraan taariikhdu markii ay aheydย  1 dii luulyo ee sanadkii 1960.

DSC01021 DSC01073 DSC01075 DSC01095 DSC01101 DSC01102 DSC01103

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed

Next Post

Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Next Post
Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Taariikhda halgamayaashii Xornimo doonka Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In