Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 600 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
In ka badan 600 oo arday oo ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan lix boqol oo arday oo wax ka baratay jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayadoo ay ka qeyb galeen guddiga sare ee jaamacadda(Board of trustee), waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee arrimaha horumarinta Daahir Xasan Carab ayaa furay munaasabadda, isagoo tilmaamay in ardaydu ay ka qalin jabiyeen saddex kulliyad oo kala ah, Dhaqaalaha iyo Cilmiga Bulshada, Ganacsiga iyo xisaabaadka iyo culuumta Kumbuyuutarrada iyo teknoolajiyada.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

Cabdullaahi Cumar Saalax oo ka mid ah macallimiintii lagu aasaasay jaamacadda 15sano ka hor walina ku sugan ayaa ardayda kula dardaarmay inay dhaqan galiyaan cilmigii la baray “Cabsi kama qabno waxa aan idin barnay iyo tayadiina, laakin waxaan idinka fileynaa inaad dabaqdaan(dhaqan galisaan) waxa ay SIMAD idin bartay” ayuu yiri Ustaad Cabdullaahi oo amaanay ardaydii horay uga qalin jabisay jaamacadda oo shaqoyin wanaagsan ka haya hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Cabdirasaaq Maxamed Axmed madaxa operation-ka ee Premier Bank oo taabba galiyay xafladdaan ayaa u hambalyeeyay ardaydayda qalin jabisay, isagoo tilmaamay in bangigoodu uu taageerayo waxbarashada. “Waxaa tusaale u ah inaan taageereyno waxbarashada ardaydan qalin jabinaysa ee halkaan fadhisa qaarkood ayaa ka shaqo bilaabay Bangiga, kaddib markii ay ku guuleysteen tartan dhex maray in ka badan afar boqol oo shaqo doon ah oo ka kasoo qalin jebiyay  jaamcadaha kala duwan ee dalka” ayuu yiri.

DSCN5869Sheekh Maxamed Qamiis oo ah guddomiye ku xigeenka guddiga sare ee jaamacadda SIMAD ayaa tilmaamay in wakaaladda Muslimiinta Afrika ay 20 sano ka hor ay billowday inay caawiso  dadka ayadoo isla markaana la xoojinayo waxbarashada si dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada uga baxaan, wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadaalkii ay ku bixiyeen in la helo waxbarasho aasaasi ah iyo mid jaamacadeed.

“Waxaan billownay dugsiga sare ee Axmed Gureey, ardaydii ka qalin jabisay ayaan is waydiinay halka ay aadayaan, waxaan garannay inay muhiim tahay in la helo waxbarasho sare, talo wadaag kaddib, waxaan garannay inaan dhisno machadkii SIMAD oo lagu baranayay maamulka iyo xisaabaadka, machadkaasi waa jaamacadda SIMAD ee manta” ayuu yiri Sheekh Qamiis.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa soo dhaweeyay in guddiga sare ee jaamacadda (Board of trustee) ay ka soo qeyb galaan munaasabadda qalin jabinta ah, wuxuu tilmaamay in 620 (lix boqol iyo labaatan) arday ay ka qalin jabinayaan jaamacadda.

Ardayda qalin jabisay ayuu kula dardaarmay inay danta guud ka shaqeeyaan oo ay ka hormariyaan tooda gaar ahaaneed “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad danta guud ka shaeqysaan oo aad ka hormarisaan dantiina gaarka ah, marka waddooyinka la dhiso, caafimaadka la hormariyo, korontada la wanaajiyo adinkuna waad wanaagsanaaneysaan, laakin haddaad ka fikirtid dantaada gaarka ah waad ku imtixaanan tahay” ayuu yiri guddoomiye Odawaa.

Guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda SIMAD (Board of trustee) ayaa u hambalyeeyay dufcadda 10aad ee ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, wuxuu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in hay’adda DirectAid ay maamusho SIMAD.

Kulliyad kasta ardayga ugu darajada sareeyay ayaa la guddoonsiiyay abaal marinno ayadoo sidoo kale la abaal mariyay saddexdii gabdhood ee ugu darajada sarreysay dhammaan gabdhaha ka qalin jabiyay jaamacadda.DSCN5781 DSCN5824 DSCN5825 DSCN5869 DSCN5886 DSCN5890 DSCN5907 DSCN5913 DSCN5920 IMG_3212 IMG_3289 IMG_3322 IMG_3370 IMG_3372 IMG_3380

Previous Post

Shirka Qurbajooga Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Kigali , Rwanda”sawiro”

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In