Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda caleema saarka Donald Trump oo maanta ka dhaceysa Washinton

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xafladda caleema saarka Donald Trump  oo maanta ka dhaceysa Washinton
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalka Mareykanka maanta waxaa ka dhacaysa xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddankaasi Donald Trump oo ah madaxweynihii 45 aad.

Boqolaal kun oo qof oo isugu jira madax iyo dadweyne ayaa ku sii qulqulaya goobta ay ka dhaceyso xaflada caleema saarla madaxweyne Trump.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Halkan hoose ka akhriso sida ay u dhaceyso xaflada caleema saarka Donald Trump.

Aroornimada saaka Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John’s Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad, iyadoo isaga iyo afadiisa Melania ay shaaha aroornimo la cabi doonan madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Kaddibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol.

9:30 subaxnimo (14.:30 GMT) ayaa xafladda caleemo saarku ku bilaabmi doontaa bandhig muusig ah.

1:30 (16:30 GMT) Trump wuxu ku dhaaran doonaa dhaarta dastuuriga ah, waxaana dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare Roberts. Kaddibna wuxu jeedin doonaa khudbadiisa caleemo saarka.

3-5 galabnimo (20:00 -22:00 GMT) Trump iyo Pence waxay billaabi doonaan socod 1.5 mayl ah (2.4km) oo ay ku mari doonaan waddada weyn ee Pensnsylvania Avenue halkaas oo dad taageersan iyo kuwo ku mudaharaadayaaba tubnaan doonaan.

7-11 galabnimo (00:00-4:00 SGA) Trump iyo Pence iyo xaasaskooda ayaa ka qayb gali doonaa saddex xafladood oo caleemo saar ah.

21 JANUARYΒ 10 subaxnimo (15:00 GMT) Trump iyo Pence ayaa ka qayb gali doonaa fadhi ay iskugu imanayaan dadka kala diimaha ah oo ka dhici doonta kaniisadda Washington National Cathederal.

Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaas oo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah

Next Post
Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah

Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In