Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafladda lagu taageerayay Madaxweynaha Jabuuti oo lagu qabtay Suudaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xafladda lagu taageerayay Madaxweynaha Jabuuti oo lagu qabtay Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diblomaasiyiiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa ka qeeb qaatay  xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha dalka Jabuuti in uu mar kale talada dalka siihayo, taa oo lagu wado in ay ka dhacdo doorasho bisha abril ee ina soo aadan

Xafladan  oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga ardayda dalka Jabuuti  ee wax ka barata dalka Suudaan, waxaaana ka soo qeyb galay diblomaasiyiin isugu jiray Soomaali iyo Jabuuti,  madaxda lada Jaaliyadood abwaanno, suldaano iyo qeybaha kala duwan ee ururda ka dhisan dalka Suudaan.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Ugu horeyn Guddoomiyaha ardayda  Jabuuti Cadnaan ayaa u mahadnaqay  dadka soo ajiibay dacwada ay u fidiyeen, isagoo tibaaxay in ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa Jabuutiba ay yihiin kuwo  isku xiran,  kana wada tashada wixii quseeya,

Cabduwali Xasan Xuseen guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geele Madaxweenaha Dalka Jabuuti  ka keensaday taageero dhan walba ah shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogto sidaa darteedna mudanyahay in dib loo dooorto.

Suldaan Kamala oo isna ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudan  laguna casuumay munaasabadda lagu taageeerayay  dib in mar kale loo doorto Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa tibaaxay in hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan shacabka iyo dowladda Jabuuti sida uu isagaba uu xil isaga saaray shacabka  Soomaaliyeed.

Gabagabadii munaasabadda ayaa waxaa hadalka qaatay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya dalka Suudaan  Danjire Axmed Cali Barre isagoo mahadnaq balaaran u jeediyay dhamaan inta soo qaban qaabisay iyo kuwa ka soo qeyb galay.

 

 

 

 

Previous Post

Maamulka Degmada Wadajir Oo Faah Faahiyay Horumarada Dhinaca Amniga ee ka jira Degmada

Next Post

Maamulka gobolka oo ka hadlay dariseynta

Next Post

Maamulka gobolka oo ka hadlay dariseynta

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In