Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmooyinka ku Guulaystay Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo Abaal Marino la Guddoonsiiyay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Degmooyinka ku Guulaystay Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo Abaal Marino la Guddoonsiiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Ramadaan ee warbaahinta Qaranak ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo abaalmarino qaali ah goobta lagu siiyay degmooyinkii kaalmaha hore ee tartanka galay.

Waxaa ka soo qaybgalay Munaasabadda R/wasaare ku xigeenka Dalka, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, masuuliyiin kale iyo Marti Sharaf.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/fitaax Daahir Jeyte oo utgu horayn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Tartankaan uu ahaa mid aad u xiiso badanaa Mudadii uu socday, taasina ay keentay in dad badan oo isugu jira dhagaystaal iyo Daawadayaalba ay ku soo xirmaan.

Mudane C/fitaax Daahir oo ku hadlayay sidoo kale Afka Agaasime waxeedyada ayaa aad ugu mahadceliyay dhammaan howlwadeenadii ka soo qayb qaatay Barnaamijkaas Tartan cilmiyeedka ahaa, Tartamayaashii degmooyinka iyo dhammaan dadkii ku xirnaa Barnaamijkaas Bishii Ramadaan ka baxayay Warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rixmaan Sheekh Cadaala ayaa asna tilmaamay in Barnaamijkaan ay qabatay Warbaahinta Qaranka uu ahaa Barnaamij aad ugu duwan dhammaan Barnaamijyada kale ee warbaahinta, wuxuuna sidoo kale sheegay in dad badan ay aqoon ka kororsadeen.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo asna ka hadlay Munaasabaan ayaa sheegay Laftiisu inuu dhagaysan jiray Barnaamijkaan isla markaana uu aad ugu riyaaqay qaabka ay dhalinyarada isku marxabaynayayeen marka ay Tartamayaan iga oo kala matalayay degmooyin kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa aad ugu mahad celiyay maamulka Gobalka Banaadir oo Tartankaan Taaba Galiyay sidoo kalana bixinayay Abaal marinada degmooyinka kala galay degmooyinka Koowaad, Labaad iyo Saddexaad.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Warbaahinta Qaranka ku ammaantay qabashada Barnaamijkaan xiisaha badnaa, waxayna sheegtay in Tartankaan uu ahaa mid aad u dhiiragalinayay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu Danbayntiii R/wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo soo xiray Munaasabadaan ayaa sheegay in howlwanaagsan ay qabatay Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna sheegay in dhiiragalinta Aqoonta ay tahay waxa ugu wanaagsan ee loo baahanyahay in la sameeyo.

Wuxuu ugu baaqay R/wasaare ku xigeenka dalka in Howlaha nuucaan oo kale ah Warbaahinta Qaranka ay muhiim tahay inay sii wado, isagoo sidoo kale u mahadceliyay maamulka Gobalka Banaadir oo taabagalinayay Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka ee Warbaahinta Qaranka.

Intaasi ka dib waxaa goobta Abaal Marino Qaali ah lagu gudoonsiiyay Tartamayaasha degmooyinka Warta Nabada, Dhahar iyo Shibis oo kala galay saddexda Kaalin ee ugu horeeya ee Tartankaan.

Madaxda Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale isla munaasabada Abaal marin iyo Koobab ku siiyay Koox Bishii Ramadaan ku ciyaaraysay Magaca Radio Muqdisho iyo SNTV Tartan Kubada Cagta ah iyo Kooxda Banaadir oo iyana ku guulaysatay Tartankii loo qabtay Todobaadka Xoriyadda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in lagu guuleystay ladagaalanka Musuqa

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In