Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xalinta colaadda Beladweyne oo meel wanaagsan mareyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii loo xilsaaray xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan howlahooda ku aadan dhameystirka heshiiska labadaasi beelood.

Midka mid ah guddiga xalinta colaadda gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay iminka meel fiican u mareyso sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedyadii ku dagaallamay Beladweyne.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Maalmihii la soo dhaafay waxaa noo qabsoontay in aan ku guuleysano joojinta xabadda, in ciidamada la kala qaado oo la dejiyay meelihii ay markii hore deganaayeen iyo maxaabiis lakala haystay dib la isugu celiyay oo aan kala wareejinayay, runtii arrintu hadda meel fiican ayay noo mareysaa” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga.

Guddiga xalinta colaadda beladweyne ayaa socod ku soo maray meelihii lagu dagaallamay, si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee amni iyo waxyaabihii ka dhaqan galay xabad joojinta.

Qaar ka mid ah guddiga ayaa ku baaqay in dadkii ka barakacay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan, madaama gudigu ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay xal ka gaaraan waxa sababay gacan ka hadalka, iyagoo bulshada ka codsaday inay dhankooda gacan ka geystaan dadaallada dib-u-heshiisiineed ee iminka socda.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Next Post
Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In