Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xalinta colaadda Beladweyne oo meel wanaagsan mareyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddigii loo xilsaaray xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan howlahooda ku aadan dhameystirka heshiiska labadaasi beelood.

Midka mid ah guddiga xalinta colaadda gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay iminka meel fiican u mareyso sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedyadii ku dagaallamay Beladweyne.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Maalmihii la soo dhaafay waxaa noo qabsoontay in aan ku guuleysano joojinta xabadda, in ciidamada la kala qaado oo la dejiyay meelihii ay markii hore deganaayeen iyo maxaabiis lakala haystay dib la isugu celiyay oo aan kala wareejinayay, runtii arrintu hadda meel fiican ayay noo mareysaa” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga.

Guddiga xalinta colaadda beladweyne ayaa socod ku soo maray meelihii lagu dagaallamay, si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee amni iyo waxyaabihii ka dhaqan galay xabad joojinta.

Qaar ka mid ah guddiga ayaa ku baaqay in dadkii ka barakacay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan, madaama gudigu ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay xal ka gaaraan waxa sababay gacan ka hadalka, iyagoo bulshada ka codsaday inay dhankooda gacan ka geystaan dadaallada dib-u-heshiisiineed ee iminka socda.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Next Post
Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Madaxweynaha: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah inay heshiiyaan, maamulna dhistaan’’

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In