Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12kii Bishan, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isku dhac ciidan oo aan loo turin dadkeeda ayay martigelisay, dhimashada sideed ruux oo dhinacyadii dagaallamay iyo dhaawaca tobonaan kale ayuu ahaa khsaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa hakad galay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii Bulsho ee halkaas ka jiray oo inta badan dadka ayaa faarujiyay xaafadaha magaalada baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Siyaasiyiin iyo dad macaash ka raadinaya wararka been abuurka ah ayaa shaar kale huwiyay dhacdada Baraawe, hase-yesshee, xeel ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo furtay gal-baariseed oo ay ku jiraan raadad argagax leh ayaa si hordhac ah u ogaatay in wixii dhacay aysan dhaafsiineyn lacag ammaah ah.

Si loo helo kala dambeyn iyo, xal deg deg ahna looga gaaro dagaalkii ka dhacay Baraawe, gacanta caddaalada ayey noqotay in ay magaaladaas gaarto si dhinacyada loogu ciqaabo shaqsi kasta iyo kaalintiisa.

Tallaabadii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida heerarkeeda kala duwan oo ay wehelinayaan wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka iyo wasiirka caddaalada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socda gobolka Shabeellaha hoose ayaa marka hore la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada, waxayna amar ku bixisay Maxkamaddu in la kala qaado ciidamada is-horfadhiya, la iskuna keenno ciidanada ay dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan difaacyadii ay isku horfadhiyeen ciidamadu oo hadda dhammaantooda la banneeyay.

Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyay dadaallada nabad u raadinta dagaalladii iyo dambiyadii ka dhacay Baraawe.

” Intaasba waxaad ka dareemeysaan muhiimadd ay leedahay caasimadda Koonfur Galbeed iyo dadka ku nool oo dad samir badan oo dulqaad badan oo waliba aan ka mahadcelineyno buuq fara badan oo meelaha la geliyay aanay qeyb ka ahayn oo aad u dulqaatay,waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo ka qeyb qaatay dhibaatada meeshan ka dhacday sidii lagu joojin lahaa”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo dhinacyo badan taabtay ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada ku wada sugan Baraawe,isagoona hoosta ka xariiqay qof kasta shaqsigiisa lagula xisaabtamayo wixii uu geystay,iyada oo loo eegeynin heybta ama reerka uu ka soo jeedo.

” Arrinta  anaga maxkamadaa nahay, maxkamadda ciidamada qalabka sida dhibaataa meeshan ka dhacday 12kii bishan, waa la soo wada gurmaday federaal iyo maamul gobol waa la soo wada gurmaday, kuwo xeer ilaaliyaal ah oo dambiga baarayanna waa ay yimaadeen, waxyaabaha guusha weyn laga gaaray baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday waxaa ka mid ah, waxa ay dadka bannaanka ka sheegayaan maba ahan, waa labo ciidan oo isku dhacay, labadaas ciidan xaajadoodana xeer ilaaliyaasha ayaa ku mashquulsan, marka uu baaritaanka dhammaato, waxaan balan qaadeynaa inaan tallaabo qaadno,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali Yarow, ayaa dhankiisa sheegay inaan la siyaasadeyn isku dhacyada ciidamada lagana war sugo baarista bahda garsoorka oo ay hormuud u tahay xeer ilaalinta.

” Ciidamada isku dhacay waa ciidamo ka wada tirsan Dowladda, marka waxaa loo baahan yahay in ciidamada la mideeyo, waxaa loo baahan yahay in askariga dhib geystay la qabto oo maamulka la horkeenno  oo Maxkamadda la horkeenno si caddaalada u wajaho,”.

Wasiirka Difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gabagabada gogosha ka sheegay in xilligan dhegaha dadka Soomaaliyeed aysan ku habooneyn isku dhac ciidanada, iyadoo dalku uu ku jiro howlgal lagu ciribtirayo argagixisada.

” Waxaan rabaa meel walba oo ciidamada qalabka sida ay joogaan in ay ogaadaan maarta ay ridayaan iyo qoriga ay ridayaan inuu ku yimid hanti qaranku uu leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed canshuurtii laga qaaday ahay ama inuu yahay wax loo dawarsi tegay oo madaxd qaranka iyo Cid walba oo Soomaaliyeed in ay u dawarsi tagtay ay dawarsi ku keentay, laga yeelo maayo wiil Soomaaliyeed oo kitaab u maray inuu dalkiisa iyo qarankiisu difaaco qorigaas kula soo noq noqdo shacabkiisa iyo hay’adihiisa dowladeed, wixii maanta ka dambeeya dhegihiinna fura, qof laguu cafinaayo ma jirto, dhammaan qeybaha ciidanka xoogga dalka meel kasta oo ay joogaan waa in ay dhegahooda u duleeliyaan,”.

Previous Post

DF Soomaaliya oo suuqyo cusub caalamka uga raadineysa xoolaha dalkeenna

Next Post

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Next Post
Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In