Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xallinta Xiisada Baraawe iyo Baarista Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada (Warbixin).

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12kii Bishan, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, isku dhac ciidan oo aan loo turin dadkeeda ayay martigelisay, dhimashada sideed ruux oo dhinacyadii dagaallamay iyo dhaawaca tobonaan kale ayuu ahaa khsaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa hakad galay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii Bulsho ee halkaas ka jiray oo inta badan dadka ayaa faarujiyay xaafadaha magaalada baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Siyaasiyiin iyo dad macaash ka raadinaya wararka been abuurka ah ayaa shaar kale huwiyay dhacdada Baraawe, hase-yesshee, xeel ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo furtay gal-baariseed oo ay ku jiraan raadad argagax leh ayaa si hordhac ah u ogaatay in wixii dhacay aysan dhaafsiineyn lacag ammaah ah.

Si loo helo kala dambeyn iyo, xal deg deg ahna looga gaaro dagaalkii ka dhacay Baraawe, gacanta caddaalada ayey noqotay in ay magaaladaas gaarto si dhinacyada loogu ciqaabo shaqsi kasta iyo kaalintiisa.

Tallaabadii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida heerarkeeda kala duwan oo ay wehelinayaan wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka iyo wasiirka caddaalada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socda gobolka Shabeellaha hoose ayaa marka hore la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada, waxayna amar ku bixisay Maxkamaddu in la kala qaado ciidamada is-horfadhiya, la iskuna keenno ciidanada ay dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeeray dhammaan difaacyadii ay isku horfadhiyeen ciidamadu oo hadda dhammaantooda la banneeyay.

Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyay dadaallada nabad u raadinta dagaalladii iyo dambiyadii ka dhacay Baraawe.

” Intaasba waxaad ka dareemeysaan muhiimadd ay leedahay caasimadda Koonfur Galbeed iyo dadka ku nool oo dad samir badan oo dulqaad badan oo waliba aan ka mahadcelineyno buuq fara badan oo meelaha la geliyay aanay qeyb ka ahayn oo aad u dulqaatay,waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qof kasta oo ka qeyb qaatay dhibaatada meeshan ka dhacday sidii lagu joojin lahaa”.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo dhinacyo badan taabtay ayaa digniin adag u jeediyay ciidamada ku wada sugan Baraawe,isagoona hoosta ka xariiqay qof kasta shaqsigiisa lagula xisaabtamayo wixii uu geystay,iyada oo loo eegeynin heybta ama reerka uu ka soo jeedo.

” Arrinta  anaga maxkamadaa nahay, maxkamadda ciidamada qalabka sida dhibaataa meeshan ka dhacday 12kii bishan, waa la soo wada gurmaday federaal iyo maamul gobol waa la soo wada gurmaday, kuwo xeer ilaaliyaal ah oo dambiga baarayanna waa ay yimaadeen, waxyaabaha guusha weyn laga gaaray baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday waxaa ka mid ah, waxa ay dadka bannaanka ka sheegayaan maba ahan, waa labo ciidan oo isku dhacay, labadaas ciidan xaajadoodana xeer ilaaliyaasha ayaa ku mashquulsan, marka uu baaritaanka dhammaato, waxaan balan qaadeynaa inaan tallaabo qaadno,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Generaal Liibaan Cali Yarow, ayaa dhankiisa sheegay inaan la siyaasadeyn isku dhacyada ciidamada lagana war sugo baarista bahda garsoorka oo ay hormuud u tahay xeer ilaalinta.

” Ciidamada isku dhacay waa ciidamo ka wada tirsan Dowladda, marka waxaa loo baahan yahay in ciidamada la mideeyo, waxaa loo baahan yahay in askariga dhib geystay la qabto oo maamulka la horkeenno  oo Maxkamadda la horkeenno si caddaalada u wajaho,”.

Wasiirka Difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gabagabada gogosha ka sheegay in xilligan dhegaha dadka Soomaaliyeed aysan ku habooneyn isku dhac ciidanada, iyadoo dalku uu ku jiro howlgal lagu ciribtirayo argagixisada.

” Waxaan rabaa meel walba oo ciidamada qalabka sida ay joogaan in ay ogaadaan maarta ay ridayaan iyo qoriga ay ridayaan inuu ku yimid hanti qaranku uu leeyahay oo shacabka Soomaaliyeed canshuurtii laga qaaday ahay ama inuu yahay wax loo dawarsi tegay oo madaxd qaranka iyo Cid walba oo Soomaaliyeed in ay u dawarsi tagtay ay dawarsi ku keentay, laga yeelo maayo wiil Soomaaliyeed oo kitaab u maray inuu dalkiisa iyo qarankiisu difaaco qorigaas kula soo noq noqdo shacabkiisa iyo hay’adihiisa dowladeed, wixii maanta ka dambeeya dhegihiinna fura, qof laguu cafinaayo ma jirto, dhammaan qeybaha ciidanka xoogga dalka meel kasta oo ay joogaan waa in ay dhegahooda u duleeliyaan,”.

Previous Post

DF Soomaaliya oo suuqyo cusub caalamka uga raadineysa xoolaha dalkeenna

Next Post

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Next Post
Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In