Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Aadan Xaadow ayaa tilmaamay in guddiga farsamada ee Soomaaliya iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika in waxyaabaha ay isku afgarteen loo gudbinayo Golaha Wasiirada ee dalalka EAC, si ay u meel mariyaan oo ugu sii gudbiyaan Madaxda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mudane Xamse oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shirka guddiga farsamada ee ku saabsanaa ku biirista Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika uu ku soo dhamaaday jawi isfaham ah, isla markaana ay ku rajo weynyihiin in Soomaaliya ay ku biirto dhamaadka sanadkan dalalka EAC.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda mudane Xamse Xaadow “Dalkeennu waxa uu ka gudbay wajiga wada xaajoodka, waxaana fileynaa inta aan December la gaarin in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”

“Soomaaliya haddii ay ku biirto suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika fursad weyn ayay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigooda u iib geyn karo dalalka EAC, waxaana sidoo kale ay bulshadeenu fursado u heleyaan inay si xor ah ku dhex safraan bulshada Bariga Afrika”. Ayuu Xamse Xaadow hadalkiisa ku daray.

Dhankale kale mudane Xamse Xaadow ayaa bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka soo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku baaqay in si wada jir ah loo taageero ciidanka.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Next Post

Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka “SAWIRRO”

Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In