Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Aadan Xaadow ayaa tilmaamay in guddiga farsamada ee Soomaaliya iyo Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika in waxyaabaha ay isku afgarteen loo gudbinayo Golaha Wasiirada ee dalalka EAC, si ay u meel mariyaan oo ugu sii gudbiyaan Madaxda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mudane Xamse oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shirka guddiga farsamada ee ku saabsanaa ku biirista Soomaaliya Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika uu ku soo dhamaaday jawi isfaham ah, isla markaana ay ku rajo weynyihiin in Soomaaliya ay ku biirto dhamaadka sanadkan dalalka EAC.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda mudane Xamse Xaadow “Dalkeennu waxa uu ka gudbay wajiga wada xaajoodka, waxaana fileynaa inta aan December la gaarin in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika”

“Soomaaliya haddii ay ku biirto suuqa dhaqaalaha Bariga Afrika fursad weyn ayay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigooda u iib geyn karo dalalka EAC, waxaana sidoo kale ay bulshadeenu fursado u heleyaan inay si xor ah ku dhex safraan bulshada Bariga Afrika”. Ayuu Xamse Xaadow hadalkiisa ku daray.

Dhankale kale mudane Xamse Xaadow ayaa bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka soo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku baaqay in si wada jir ah loo taageero ciidanka.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Next Post

Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka “SAWIRRO”

Shirka Gaha Wasiirada oo looga hadlay dardargelinta amniga guud ee Dalka "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In