Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun Dhaqancelin ah oo laga furay Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xarun Dhaqancelin ah oo laga furay Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug laga daah furay xarunta dhaqancelinta Galmudug”DRP” oo loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhallinyarada kasoo baxda kooxda Al-Shabaab si loogu sameeyo nolol ka duwan tii hore ee ay ku jireen si loo fahamsiiyo dowladnimada.

Munaasabadda xarig jarka xarunta dhaqancelinta Isisoo dhiibayaasha Galmudug ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay 2da gole ee dowlada Galmudug, Agaasimaha barnaamijka Qaran ee dhaqancelinta Salad Jilicow,vmadaxa soodhawaynta isa soodhiibayaasha Col Osoble, Agaasime kuxigeenka xarunta dhaqan celinta xarunta Serindi Muqdisho Cabdalle Jaraid, madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai, Agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cali, Madaxda maamulka degmada Dhuusamareeb, Agaasimayaal, dhalinyaro iyo haween.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

August 18, 2026
Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

August 18, 2026

Wasiirka Caddaalada Galmudug mudane Cabdi Maxamed Fiidow ayaana xariga kajaray xarunta dhaqan celinta Galmudug kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xaruntaan oo bulshadu siwayn udanaynayeen furitaankeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimadda Galmudug mudane Cabdi Xaashi Caroole oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay furitaanka xarunta dhaqan celinta Galmudug ee loogu talo galay isi soodhiibayasha, waxaana uu sheegay in Ka bulsho ahaan ay wax ku darsanayaan xaruntaan.

Agasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cali oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in si wanagsan loogu adeegi doono dhallinyarada isi soodhiibayasha ah ee soo gala gacanta dowladda si loogu abuuro nolol kaduwan midii hore bulshadana ay dib ula midoobaan.

Agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Qaran Salad Jilicow oo isna munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay xarunta maanta xariga laga jaray faaiidada ay uleedahay bulshada Galmudug, waxaana uu sheegay dhankooda ay garab siin doonaan xaruntaan, bulshadana looga baahan yahay in isisoodhiibayaasha xarunta soo marsiiyaan.

Madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai oo isna qayb ka ahaa furitaanka xaruntaan ayaa tilmaamay in faaiido uleedahay dhallinyarada isi soo dhiibayaasha ah ka yimada kooxaha diidan dowladnimada ay utahay bartii ay bulshada dib ugu soo laaban laahayeen Kadib markii lamarsiiyo nidaamka dhaqan celinta.

Previous Post

Soomaliya oo ka qayb gashay shirka wasiirada Tacliinta sare ee wadamada carabta

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

August 18, 2026
0

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof....

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo booqasho shaqo ku tegay xarunta Danab ee Gaalkacyo

August 18, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

Wasiir Cali Xoosh oo Shacabka Soomaaliyeed uga digay fatahaadaha laga cabsida qabo

August 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatar la xiriirta...

Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Laba dhallinyaro xoolo-dhaqato ah oo Ruunirgood ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

August 18, 2026
0

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In