Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta degmada Wadajir oo maanta xariga laga jaray +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xarunta degmada Wadajir oo maanta xariga laga jaray +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir ayaa sheegay in horumarka Gobolka aanu u joogsanayn falalka burburinta iyo gumaadka ah ee argagixisada Alshabaab.

Xarunta Degmada oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa ku burburtay weerar argagixisanimo, waxaana dib u dhiska xaruntan ka qayb qaatay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye Yarisow ayaa uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degmada Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo daris wanaagga bulshada degmada Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiyey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ballan qaaday in ay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada.

Munaasabadda xariga looga jaray xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka badda iyo Dekadaha Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF oo Sheegtay gogoshii uu Madaxweynaha JFS u fidiyay Madaxda D/Gobaleedyada inay weli sideedi tahay

Next Post

NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

Next Post
NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In