Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta degmada Wadajir oo maanta xariga laga jaray +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Xarunta degmada Wadajir oo maanta xariga laga jaray +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir ayaa sheegay in horumarka Gobolka aanu u joogsanayn falalka burburinta iyo gumaadka ah ee argagixisada Alshabaab.

Xarunta Degmada oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa ku burburtay weerar argagixisanimo, waxaana dib u dhiska xaruntan ka qayb qaatay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiye Yarisow ayaa uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degmada Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo daris wanaagga bulshada degmada Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiyey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ballan qaaday in ay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada.

Munaasabadda xariga looga jaray xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka badda iyo Dekadaha Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF oo Sheegtay gogoshii uu Madaxweynaha JFS u fidiyay Madaxda D/Gobaleedyada inay weli sideedi tahay

Next Post

NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

Next Post
NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In