Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Gurmadka degdega Oo La Hoos Geeyay Hay’adda SODMA “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad dib loogu soo wareejinayay xaruunta howlgallada gurmadka degdega ah oo ay soo agaasimeen howlwadeenada Hay’adda SoDMA.

Munaasabaddaan, ayaa waxaa kasoo qaybgalay Raysal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro, xildhibaanno, culimmo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

Xaruunta howlgallada gurmadka degdega ah ayaa inta lagu biirin kahor maanta Hay’adda Maaraynta Musiiboyinka Qaranka hoos tegi jirtay xafiiska Raysal Wasaaraha ee XukuumaddaFedaraalkaSoomaaliya, waxaana maanta laga billaabo ay hoos tegi doonaan dhammaan shaqaalaha xaruuntaas Hay’adda SoDMA oo ku howl geli doonta xaruunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane. Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Xoghayaha joogtada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa munaasabadda kaddib kormeer ku tegay xaruunta cusub ee maanta lagu wareejiyay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxa ayna si wadajir ah u boggaadiyeen dowladda Swedan oo gacan weyn ka geysatay dhismaha iyo hirgelinta xaruuntaan oo baahi weyn xilligaan loo qabay muhiimad gaar ahna ugu fadhisa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xaruuntaan ayaa laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir iyadoo dhismaha xaruuntaas ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Iswiidhan ( Swedan), waxaana loogu talla galay in loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan gurmadka degdegga ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo ka qeyb galay munaasabadda dib usoo wareejinta xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah

Next Post

Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyadda

Next Post

Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyadda

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In