Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa Ciidamada Xoogga Dalka u jiheeyay shaqadoodii Qaran, waxaana iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga.
Qorshaha ayaa ah cirib tirka Argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.