Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta la dagaalanka Ayaxa Soomaaliya oo xariga laga jaray

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Xarunta la dagaalanka Ayaxa Soomaaliya oo xariga laga jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada  Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha Beeraha Xukuumadda Federaal iyo tan Puntland iyo Hay’adda FOA, taasi oo sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Keeska Africa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intii ay munaasabadda socotay wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, heshiiska Aqoonsiga xaruntan in ay shaqo bilowday oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Madaxda Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO).

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa qaeyb galay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, Wasiiradda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowlad gobaleedka Puntland iyo Maamulka magaalada  Qardho.

Previous Post

Dhageeyso Barnaamijka Sahanka Raadiyaha

Next Post

Qaar ka mid ah dadkii laga soo masaafuriyay Laas caanood oo laga soo sagootiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Qaar ka mid ah dadkii laga soo masaafuriyay Laas caanood oo laga soo sagootiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Qaar ka mid ah dadkii laga soo masaafuriyay Laas caanood oo laga soo sagootiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In