Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Maxkamadda Sare oo lagu dhaariyay 30 Garsoore oo dhawaan kusoo baxay tartan furan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xarunta Maxkamadda Sare oo lagu dhaariyay 30 Garsoore oo dhawaan kusoo baxay tartan furan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxa si rasmi ah looggu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah, waxaana Garsooreyaashani ay si rasmi ah uga hawl-geli doonaan Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibada dhaarinta, ayaa halkaas hadalo duco iyo dardaaran ah kula wadaagay Garsooreyaasha, isaga oo tilmaamay in loogga baahan yahay in mas’uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u cadaalad falaan dadka u soo cadaalad doonanaya Maxkamadaha.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026

Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu cadaalad falay ay ka rajenayaan in iyagu na ay cadaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.

Garsooreyaashan, ayaa ku soo baxay tartan furan oo sanadkii hore dhammaadkiisii loo qabtay in ka badan 5000 oo tartameyaal ah oo iskugu jiray Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal kuwaas oo ugu dambayn ay guulaysteen 60 tartame oo iskugu jira Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal, waxaana ay tani noqonaysaa markii labaad ee tartan daahfuran laga qabto hay’adaha Garsoorka ee dalka.






Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada kusoo dhaweeyay Safiirka Dowladda Sweden 

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In