Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Maxkamadda Sare oo lagu dhaariyay 30 Garsoore oo dhawaan kusoo baxay tartan furan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xarunta Maxkamadda Sare oo lagu dhaariyay 30 Garsoore oo dhawaan kusoo baxay tartan furan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxa si rasmi ah looggu dhaariyey 30 Garsoore oo dhawaan ku soo baxay tartan furan oo loo qabtay in ka badan 2000 oo tartameyaal ah, waxaana Garsooreyaashani ay si rasmi ah uga hawl-geli doonaan Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibada dhaarinta, ayaa halkaas hadalo duco iyo dardaaran ah kula wadaagay Garsooreyaasha, isaga oo tilmaamay in loogga baahan yahay in mas’uuliyadda saaran darteed ay u gutaan si Alle ka cabsi ah sidoo kale na ay u cadaalad falaan dadka u soo cadaalad doonanaya Maxkamadaha.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

Guddoomiye Baashe, wuxu sidoo kale xasuusiyey in hawlo adag loo soo maray tartankii ay ku soo baxeen, isaga oo xusay in siddii looggu cadaalad falay ay ka rajenayaan in iyagu na ay cadaalad ugu adeegaan umadda Soomaaliyeed.

Garsooreyaashan, ayaa ku soo baxay tartan furan oo sanadkii hore dhammaadkiisii loo qabtay in ka badan 5000 oo tartameyaal ah oo iskugu jiray Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal kuwaas oo ugu dambayn ay guulaysteen 60 tartame oo iskugu jira Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyeyaal, waxaana ay tani noqonaysaa markii labaad ee tartan daahfuran laga qabto hay’adaha Garsoorka ee dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada kusoo dhaweeyay Safiirka Dowladda Sweden 

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay dhigiisa dalka Finland

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In