Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqo- Abuurka oo si rasmi ah loo daahfuray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqo- Abuurka oo si rasmi ah loo daahfuray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xaruntii u horreysay ee Adeegga Shaqo Abuurka Qaranka .

Xarunta oo laga hirgaliyay gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa door weyn ka qaadanaysa dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aanta ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada. Adeegyada ay xarunta qabanayso waxaa ka mid ah, tababarada iyo diyaarinta dhallinyarada waxbaratay sida ay uga faa’iideysan lahaayeen  suqa shaqada ee dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

Adeegyada muhiimka ah ee xarunta ay qaban doonto, waxaa sidoo kale ka mid ah inay fursadaha shaqo ee Dalka ka jira gacan ku siiso dhallinyarada, iyadoo oo ay intaa dheertahay horumarinta xirfadaha , waxaana lagu diyaariyay xarunta dhammaan adeegyada u ah howlaha ay qabanayso.

“Maalin muhiim ah ayay inoo tahay maanta, waxaana si rasmi ah  u daahfuray xarunta adeegga shaqo abuurka Qaranka, oo dhallinyarada u diyaarinaysa inay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo, sidoo kale tababaro iyo dooddo ayay xaruntan martigalin doontaa.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Daah-furka xarunta waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda Save the Children oo gacan ka geysatay hirgalinta xaruntan.

Previous Post

Galmudug oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku sugan duleedka magaalada Dhuusamareeb

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In