Meel aan sidaas uga sii fogeyn xarunta degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa laga furay xaruntan dadweyne taas oo loogu talo galay in Carruurta iyo dhalinyarada gaar u ahaato.
Waxaa u jeedada laga leeyahay tahay in carruurtu helaan meel ay ku nafisaan xiliga fasaxa ka yihiin Waxbarashadda iyada oo aan wax lacag ah laga qaadeyn.
Dhismaha Xaruntan ayaa maanta si-rasmi ah loogu wareejiyey maamulka degmada Wadajir taas oo uu ay fulisay UN Habitat.
Xasan Axmed Xasan “Daa’uus” ayaa sheegay in xaruntan muhiimad gaar ah u leedahay carruurta kuwaas oo aan horay u laheyn meelo iyaga u gaar ah.
“Halkan waxaan ku ciyaari jiray inaga oo aad u yar maanta waxaa ii farxad ah aniga oo ka wakiil ah UN Habitat in aan ku wareejiyo furayaasha Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan kan degmada Wadajir” Sidaas waxaa yiriย Xasan Daa’uus.
Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Wadajir Gobolka Banaadir Saleemaan Cabdikariim Axmed ayaa waxaa uu sheegay in maamulkooda inay soo dhaweynayaan in xaruntii ugu horeysay ee Carruurta u gaar ah lagana furo Muqdisho degmadooda nasiib u hesho.
Qaar kamid ah Carruurta oo isla maantaba goobta yimid ayaa waxaa ka muuqatay sidda ay ugu faraxsan yihiin inay helaan meel ay ku madadaalaan.