Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta baadi qabadka xoolaha dowladda Hoose ee Xamar oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xarunta baadi qabadka xoolaha dowladda Hoose ee Xamar oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali Xalane oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaruunta baadi qabadka xoolaha Dowlada Hoose Xamar, taasi oo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo xoolaha dhex wareegaya caasimadda, si ay u hagaagto bilicda magaalada.

Taliyaha ciidanka Ilaalada deeganka Xamar Axmed Xuseen Mahdi ayaa sheegay in xaruntan ay ahaan jirtay goobta lagu xanaaneeyo xoolaha baadida ah ee magaalada dhex wareegaya, isla markaana ay diyaar u yihiin marka la dhameeyo dhismaheeda ay xoolaha ku xareyn doonaan.

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026

“Waa xaruntii baadi qabadka xoolaha nool ee duurka wareegaya, gaar ahaan kuwa magaalada dhex maraya, waxaana loogu talagalay in lagu xanaaneeyo xoolaha, si loo ilaaliyo bilicda caasimadda” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.

Agaasimaha xiriirka degmooyinka Gobolka Banaadir Muqtaar Maxamed Axmed “Dhagacadde” ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruuca dhiso dalkaaga, shacabkana looga baahanyahay in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska xarumaha danta guud ee dalka.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan degmada ay soo dhaweynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin la shaqeynta dadka ku shaqada leh.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cabdi Xalane ayaa sheegay in dhismaha xarunta uu qeyb ka yahay dhiso dalkaaga, waxaana uu baaq u jeediyay ganacsatada iyo shacabka inay ka qeyb qaataan dhismaha xaruntan.

“Dhismaha marka uu dhamaado kaddib, muddo ayaa loo qaban doonaa dadka xoolaha ku dhaqda caasimadda, iyadoo xoolihii iyaga oo magaalada iska wareegaya lagu dhex arka, lagu xareyn doono xarunta, isla markaana uu ganaax muteysan doono cidda iska leh, mudadaasi ganaaxa haddii uu bixin waayo lacagta lagu ganaaxay, xoolaha waxaa lagu wareejin doonaa xabsiga dhexe ee Xamar, si maxaabiista loogu qalo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

_MG_9283

_MG_9300

_MG_9306

_MG_9308

_MG_9310

_MG_9312

_MG_9321

_MG_9323

_MG_9324

_MG_9325

Previous Post

Aqoon kororsi loo furay shaqaale ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Xildhibaannada Haweenka Ee Ku Jira Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqoon Kororsi Loogu Soo Xeray Kampala “SAWIRRO”

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In