Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xatooyada Caruurta: Waa fal ugub ku ah Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Xatooyada Caruurta: Waa fal ugub ku ah Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa la yiri “Wax la arag waxna noo laaban” oo loola jeedo wax aan hore loo arki jirin oo soo kordhay oo la yaab ku noqday dadka ..taas waxaan ula jeednaa

falal aan hore loo aqoonin oo maanta Soomaaliya laga maqlo  oo noqday kuwo dhegaha dadka ku soo noqnoqda .

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Waxaa la maqlayaa kufsi ..iyo xatooyo caruur..iyadoo baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba si joogta ah ay uga soo muuqanayaan caruur la baafinayo oola la’ yahay  halka meelaha qaar la soo tabinayo dad lagu qabanayo caruur ay xadayeen.

“Haddii la yaabo Yaasiinka” ..waxay u muuqataa in xasuustu soo xasuusaneyso oraahdii aheyd “Waa duni sirgaxan oo aakhiro samaan ehe Alloow na samabixi”.

Maxamed Axmed Cilmi oo ah oday ku nool magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyey sida uu u arko arrimahan ku cusub sooyaalka taariikhda Soomaaliya wuxuuna ii sheegay in yaraantiisii uu maqli jiray waxyaabo kale oo ay ku jiraan mala awaal caruurta lagu cabsiiyo oo loo sheego in haddii aaney edeb yeelan loo dhiibi doono dad qalato…ama kuwo loogu sheegi jiray juudaanley balse waxyaabahaasi ay inta badan iska ahaayeen waxyaabo lagu cabsi galiyo caruurta oo aan inta badan jirin.

“Ma qabin xilliigeenii waxyaabaha hadda la sheegsheegayo ,,arrimahana waa kuwo igu cusub oo aan I soo marin” ayuu yiri Maxamed Axmed oo waxyaabahan ah in caruurta la xadayo oo la iibsanayo jirkooda xubno ka tirsan ay tahay dhaqan xumo soo korortay.

Wey igu adkeyd in aan xaqiiqsado arrimaha oo sheeg-sheegistooda iyo hadal heyntooda ay ku soo kordheysay bulshada maalmahan ilaa aan maqlo in degmada Afgooye dad ku howlanaa arrintaa gacanta lagu soo dhigay oo haatan ay sugayaan in sharciga la mariyo.

Xaawo Maxamed Xuseen oo reer Muqdisho ah ahna hooyo carruur yar yar leh waxay sheegtay in muddooyinkan dambe arrintani tahay mid muuqaneysa oo ay iyada lafteeda shakiyo ka qaaday qaar ku meersanayey maalmo agagaarka gurigeeda caruurtana uu muujinaya soo jiidasho si ay u qabsadaan oo ula tagaan.

Waxay sheegtay in marar ay jireen canug ay dhashay albaabka hortiisa qof rag ah oo aaney iyadu aqoon uga gacan haadiyey si uu u sasabto oo ula tago balse ay ku qabatay ka dibna uu ninkaasi si degdeg ah goobta uga baxsaday.

“Hadda waxaan ku jiraa dhufeys ..ilamaheyga anigoon gacanta heyn dibedda uma soo baxaan waana ku baraarugsanahay kuwa caruurta xada dhagartooda” ayey tiri Xaawo.

Maxay yihiin sababaha soo kordhiyey howshan oo aan hore uga jirin Soomaaliya ayaan weydiiyey mid ka mid saraakiisha ammaanka oo ka gaabsaday magaciisa wuxuuna ii sheegay in laga yaabo in ay wax ka jiraan Shabakado Soomaali iyo ajnabi ah oo ka dambeeya kuwaas oo uu sheegay in aan weli si rasmi loo tilmaami Karin balse ay dhici karto mustaqbalka dhow in ay soo baxaan.

“Raadka keliya ee la hayo labada nine ee lagu qabtay Afgooye iyaga laftoodana baaritaan dheer ayey u baahan yihiin si xaqiiqda loogu tago oo loo ogaaado cidda rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan” ayuu yiri.

Waxaa jira tuhunno kale oo ah shaabakaddu inay taxan tahay ilaa iyo dalal dibedda ah ayna xiriir la leeyihiin shirkado dibedda ah oo “Human Spare Parts” ama la bixidda xubnaha aadanaha ay shaqdooda tahay inta badana ka jira dalal ku yaalla Aasiya.

Waxaa shacabka iyo dowaldda Soomaaliyeed la gudboon in ay xoogga saaraan burburinta kooxaha ganacsiga silloon ka wada dalka Soomaaliya oo ay culeysyo kale u dheer yihiin dhibaatadan cusub oo ah mid aanu qaadi Karin una adkeysan Karin shacabku.

Sidoo kalena , waxaa la gudboon in ay taxaddar yeeshaan lana socdaan hadba tallaabada ay qaadayaan caruurtooda haddii ay karaana ku hubiyaan dugsiga ay dhigtaan kana soo celiyaan marka ay ka soo rawaxayaan taas oo ay ku jirto badbaado qabka caruurta Soomaaliyeed.

WQ: Mohamed Shiil

Tags: Xatooyada Caruurta: Waa fal ugub ku ah Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed
Previous Post

Safaaradda Soomaaliya  ee Dalka K/Sudan Oo deeq gargaar ah ku wareejisay Dowladda Koofur Suudaan+Sawirro

Next Post

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in saddex boqol milyan oo Dollar ay ku bixisay gar gaarka Soomaaliya

Next Post
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in saddex boqol milyan oo Dollar ay ku bixisay gar gaarka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in saddex boqol milyan oo Dollar ay ku bixisay gar gaarka Soomaaliya

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In