Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xawaaladaha Soomaalida ee Dalka Kenya oo Bari Si Rasmi ah u Shaqo Bilaabayo “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xawaaladaha Soomaalida ee Dalka Kenya oo Bari Si Rasmi ah u Shaqo Bilaabayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 23-06-2015 si rasmi ah u shaqo bilaabi doono,ka dib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraadii saarneed inka badan mudo labo bilood ah.

Gudiga ay ku mideysanyihiin xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa dadka soomaaliyeed u cadeeyay in dowlada Kenya ay qaaday xayiraadii saarneed xawaaladaha soomaalida oo ay si rasmi ah u shaqo bilaabeen,islamarkaana ay adeeg gaarsiin doonaan dadka u baahan.

Related posts

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026

C/Xakiim Axmed Xaashi oo ku hadlayay magaca gudiga xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay wax danbi ah ku waysay xawaaladaha Soomaalida,ka dibna ay u soo celisay ruqsadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

C/Xakiim Axmed Xaashi ayaa u sheegay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan caalamka in wixii ka danbeyo bari lacagaha u soo diri karaan eheladooda joogo dalka Kenya.

C/xakiim ayaa u mahad celiyay 34-xildhibaan ee soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya,kuwaasi oo uu sheegay in ay dadaal dheer ku bixiyeen sidii dib loogu furi lahaa xawaaladaha Soomaalida,isagoo sidoo kale u mahad celiyay dowlada Soomaaliya.

C/xakiim Axmed Xaashi ayaa sheegay in guddi dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dowlada Kenya uu ka fariistay arrimaha xawaaladaha,ka dibna uu wax danbi ah ku waayay,isagoo gudigaasi Bangiga dhexe ee dowlada ku amray in xawaaladaha dib loo siiyo waraaqahooda ruqsada si ay u shaqo bilaabaan.

Dowlada Kenya ayaa 7-dii bashii April ee sanadkan xirtay ilaa 13 xawaaladood oo ka howl gali jiray dalka Kenya,iyadoo ku eedeeysay in ay dhaqaale siiyaan kooxaha argagixisada ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Hay’adda Nabadsugidda oo faah faahin ka bixisay weerarkii Baardheere

Next Post
Ciidamada ammaanka oo maanta qabtay hub iyo rasaas ay Shabaab ku aasteen guryo ku yaalla Deyniile

Hay'adda Nabadsugidda oo faah faahin ka bixisay weerarkii Baardheere

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS , Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In