Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xawaaladaha Soomaalida ee Dalka Kenya oo Bari Si Rasmi ah u Shaqo Bilaabayo “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xawaaladaha Soomaalida ee Dalka Kenya oo Bari Si Rasmi ah u Shaqo Bilaabayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 23-06-2015 si rasmi ah u shaqo bilaabi doono,ka dib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraadii saarneed inka badan mudo labo bilood ah.

Gudiga ay ku mideysanyihiin xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa dadka soomaaliyeed u cadeeyay in dowlada Kenya ay qaaday xayiraadii saarneed xawaaladaha soomaalida oo ay si rasmi ah u shaqo bilaabeen,islamarkaana ay adeeg gaarsiin doonaan dadka u baahan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026

C/Xakiim Axmed Xaashi oo ku hadlayay magaca gudiga xawaaladaha soomaalida ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay wax danbi ah ku waysay xawaaladaha Soomaalida,ka dibna ay u soo celisay ruqsadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

C/Xakiim Axmed Xaashi ayaa u sheegay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan caalamka in wixii ka danbeyo bari lacagaha u soo diri karaan eheladooda joogo dalka Kenya.

C/xakiim ayaa u mahad celiyay 34-xildhibaan ee soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya,kuwaasi oo uu sheegay in ay dadaal dheer ku bixiyeen sidii dib loogu furi lahaa xawaaladaha Soomaalida,isagoo sidoo kale u mahad celiyay dowlada Soomaaliya.

C/xakiim Axmed Xaashi ayaa sheegay in guddi dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dowlada Kenya uu ka fariistay arrimaha xawaaladaha,ka dibna uu wax danbi ah ku waayay,isagoo gudigaasi Bangiga dhexe ee dowlada ku amray in xawaaladaha dib loo siiyo waraaqahooda ruqsada si ay u shaqo bilaabaan.

Dowlada Kenya ayaa 7-dii bashii April ee sanadkan xirtay ilaa 13 xawaaladood oo ka howl gali jiray dalka Kenya,iyadoo ku eedeeysay in ay dhaqaale siiyaan kooxaha argagixisada ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Hay’adda Nabadsugidda oo faah faahin ka bixisay weerarkii Baardheere

Next Post
Ciidamada ammaanka oo maanta qabtay hub iyo rasaas ay Shabaab ku aasteen guryo ku yaalla Deyniile

Hay'adda Nabadsugidda oo faah faahin ka bixisay weerarkii Baardheere

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In