Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dakadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka.

Hayโ€™adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hayโ€™adaha baarista dalka.

Related posts

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hayโ€™adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskaan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baari ku hayay, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in maanta oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.

Xeer ilaaliye Mustaf Macalin Cali Salaadย oo dekedda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la goโ€™aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga,.mag-dhawna laga qaaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.

โ€œBaaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa goโ€™aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekeddaโ€.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinta baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

โ€œDukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkigaโ€.

Dhanka kale hayโ€™adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganacsatada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.

Previous Post

Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)+SAWIRRO

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

September 29, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In