Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Hague ee dalka Holland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gaaray magaalada Hague ee dalka Holland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo gaaray dalka Holland, halkaas oo lagu wado in maalinta berri ay ka furanto dacwadda la xiriirta  xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey garoonka Schipol Airport, wuxuu sheegay in kulanka lagu wado in maalinta berri ah [19/09/2016] ka dhici doono Maxkamadda Caalamiga ah ee [Hague] uu ku saabsan yahay dhageysiga is-hortaaga Kenya ee ku aadan  sii socoshada dacwadda, wuxuuna intaasi raaciyey in kulanka berri bilowda uu socon doono muddo saddex cisho ah, lana soo gabagabeyn doono maalinta Khamiista ah.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

“Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya arrintaas” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u dhammeystirtay wufuudii ka qeybgaleysa kulamadaasi dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin.

“Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Xeer Ilaaliye Dr. Axmed Cali wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka soo qaadin dooda Kenya ee ku saabsan in arrintaasi ay kala hadlayaan Dowladda Soomaaliya.

“Kenya waxeey tiri muranka badda waxaa ka  wadahadlaya Kenya & Soomaaliya, looma baahna in Maxkamadda caalamigu soo farageliso, Dowladda Soomaaliyana arrintaasi gaashaanka ayeey u daruurtay,  maadaama kulamo badan oo labadda dal horay u dhexmartay lagu guuleysan waayey” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka, wuxuuna intaasi raaciyey in wefdigiisa ay maanta gelinta dambe & caawa ku soo biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda Dowladda, ururada bulshada & aqoonyahanno.

IMG_0595 IMG_0596 (1)

IMG_0596 (1)

Previous Post

Daawo Sawirrada: Qarax geystay waxyeello oo ka dhacay New York

Next Post

Daawo Sawirrada: Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Next Post
Daawo Sawirrada: Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Daawo Sawirrada: Mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo booqday dadkii dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In