Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdimaali Cabdalla ” Sidaad iskaga dul qaadeen heeryada Khawaarijta,ayaan idinku boggadinayaa”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdimaali Cabdalla ” Sidaad iskaga dul qaadeen heeryada Khawaarijta,ayaan idinku boggadinayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminaayo xildhibaan Cabdimaali Cabdalla oo ay ka mid yihiin Saraakiil ciidan iyo Odayaal dhaqan oo safar dhanka dhulka uga soo amba-baxay magaalada Muqdisho, ayaa soo maray deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Xildhibaanka iyo wafdiga uu hoggaaminayay,ayaa soo maray deegaannada kala ah Caaddalin, Libigii-Roogada-lahaa, Qoyaale, Eegii Maxamed Samoow, Qurac-Barwaaqo, Garas-dheere iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Xildhinaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa shacabkii uu la kulmay ku dhiirageliyay sida geesinimada ah leh ee deegaannadooda uga difaacdeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo soo damaaciyay, wuxuuna balan qaaday inuu kala shaqeyn doono sidii deegaannadaas loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah nolosha aadanaha.

” Waxaa idinkaga mahadcelinaa sida aad isaga difaaceen Khawaarijta hubka ugu badan ee aad maanta heystaanna Argagaxisada uga soo Furateen”, ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaannada uu tegay xildhibaanka, ayaa bogaadiyay safarkiisa indha-indheynta ah iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aadan in guud ahaan dalka laga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah ee Khawaarijta.

Previous Post

Bulshada Mudug oo codsatay in lagala qeybqaato dhismaha Masjidka Deegaanka Saddex Higlo

Next Post

Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

Next Post
Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In