Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Cabdimaali Cabdalla ” Sidaad iskaga dul qaadeen heeryada Khawaarijta,ayaan idinku boggadinayaa”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Cabdimaali Cabdalla ” Sidaad iskaga dul qaadeen heeryada Khawaarijta,ayaan idinku boggadinayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminaayo xildhibaan Cabdimaali Cabdalla oo ay ka mid yihiin Saraakiil ciidan iyo Odayaal dhaqan oo safar dhanka dhulka uga soo amba-baxay magaalada Muqdisho, ayaa soo maray deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Xildhibaanka iyo wafdiga uu hoggaaminayay,ayaa soo maray deegaannada kala ah Caaddalin, Libigii-Roogada-lahaa, Qoyaale, Eegii Maxamed Samoow, Qurac-Barwaaqo, Garas-dheere iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xildhinaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa shacabkii uu la kulmay ku dhiirageliyay sida geesinimada ah leh ee deegaannadooda uga difaacdeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo soo damaaciyay, wuxuuna balan qaaday inuu kala shaqeyn doono sidii deegaannadaas loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah nolosha aadanaha.

” Waxaa idinkaga mahadcelinaa sida aad isaga difaaceen Khawaarijta hubka ugu badan ee aad maanta heystaanna Argagaxisada uga soo Furateen”, ayuu yiri xildhibaan Maalik Cabdalla.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaannada uu tegay xildhibaanka, ayaa bogaadiyay safarkiisa indha-indheynta ah iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aadan in guud ahaan dalka laga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah ee Khawaarijta.

Previous Post

Bulshada Mudug oo codsatay in lagala qeybqaato dhismaha Masjidka Deegaanka Saddex Higlo

Next Post

Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

Next Post
Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo Shacabka kula dardaamay in Khawaarijta la ciribtiro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In