War goordhow naga soo gaaray dalka Kuwait ayaa xaqiijinaya Geerida Xubin ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka dalkaas.
Warkan oo lagu qoray Wargeyska Al-Qubs ee ka soo baxa dalka kuwait ayaa sheegaya in xildhibaan Nabil Al-Fadhl uu u geeriyooday xanuun muddo hayay taas oo uu aakhirkii u geeriyooday, isagoo howshiisa shaqo ku jira.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait ayaa telefishinka Al-Carabiya u xaqiijiyay geerida xildhibaankan, iyagoo sheegay in uu Xanuun Sanaa Xildhibaanka islamarkaasna uu kahor sheegay madasha Baarlamaanka ay ku shirayeen inuu Xanuun sanyahay, isagoo jeediyay khudbad uu ku dhaliilay Siyaasiinta waddakaas qaarkood.
Xildhibaan Nabil Al-Fadhl ayaa markii uu ka dagtay Madasha uu khudbadda ka jeedinayay uu dhulka ku dhacay kaddibna ay gurmad Caafimaad u sameeyeen hay’adaha Caafimaadka dalka Kuwait.
Marka laga tago Siyaasadda Xildhibaan Nabil Al-Fadhl waxa uu ahaa Wariye.